Author name: Eng Mohamett Mohamoutt

518328009 1166429282195112 3044818949047351931 n
karkaar

Qardho: July 15, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah oo uu weheliyo KS Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Abshir Hassan Mohamed ayaa ka qaybgalay daahfuray Kalfadhiga 38-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Qardho.

Munaasabadda furitaanka kalfadhigan ayaa waxaa ka qaybgalay Xildhibaan Maxamuud Cali Gooni oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, Duqa Degmada Qardho Mudane Cabdulqaadir Siciid Qaal iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cabdullaahi Siciid, xubnaha Golaha deegaanka Degmada, iyo marti sharaf kale oo ka kooban Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Wasiir ku-xigeenku waxa uu ku bogaadiyay golaha deegaanka Qardho hawlaha ay u hayaan bulshada, isagoo xusay in golayaashu ay yihiin tiir muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagga. Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Qardho oo khudbad ka jeediyey ayaa soo bandhigay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta nabadgelyada, iyo kor u qaadidda daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha deegaanka. Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka oo soo xiray munaasadda ayaa adkeeyey sida ay muhiim u tahay in la joogteeyo kalfadhiyada golayaasha deegaanka si looga wada-tashado qorsheyaasha horumarineed. Sido kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa ku dhiirrigeliyay golaha in ay sii laba-jibaaraan shaqadooda, ayna bulshada la shaqeeyaan si loo gaaro horumar waara oo la taaban karo. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

518304235 1165645255606848 7856937639766388836 n
nugaal

Dangaroyo: July 14, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Degmada Dangaroyo ee Gobolka Nugaal ku qabatay doorashada Guddoomiyaha Golaha ahna Duqa Degmada Dangorayo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dangorayo. Madasha doorashada waxaa ka qaybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal, Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Madax ka socotay Xisbiyada Siyaasadda, madax hore, Siyaasiyiin, ganacsato, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo July 08, 2025 muddaysay qabashada Doorashada in ay ku dhacdo July 14, 2025 ayaa sidoo loo qorsheeyey u qabsoontay doorashadaan waxaa isku soo taagay 2 musharax oo kala ah:- 1. Musharax Guddoomiye Maxamuud Cabdicasiis Xasan 2. Musharax Guddoomiye Cabdinajiib Siciid Axmed. Labada musharax ayaa galay doorasho toos ah oo qarsoodi/sanduuq, waxayna kala heleen wareeggii 1-aadba Musharax Guddoomiye Maxamuud Cabdicasiis wuxuu helay 18 cod. Halka musharax Guddoomiye Cabdinajiib Siciid uu helay 9 cod. Sidaa darteed, waxaa Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dangorayo ku guulaystay Xildhibaan Maxamuud Cabdicasiis Xasan. Masuuliyiinta kala duwanaa ee madasha ka hadlay ayaa boodaaiyey guddigii doorashada qabtay, xubnaha Golaha Deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

518232898 1164169005754473 1131180352377753269 n
mudug

Xarfo: July 12, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah u daahfurtay Kalfadhigii 21-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Kalfadhigan ayaa waxaa lagaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya horumarinta adeegyada bulshada, dib-u-habeynta qorshayaasha horumarineed ee Degmada, iyo xoojinta Dimuqraadiyadda heer Degmo. Waxaa furitaanka kalfadhiga ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali, Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Mudug Cabdifitaax Samatar Ciise, guddoomiyaha Degmada, xubnaha Golaha deegaanka, iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay. Guddoomiyaha Gobolka oo khudbad ka jeediyey madasha daah-furka kalfadhigan ayaa ku bogaadiyey dadaalka Golaha Deegaanka Xarfo isku xirnaanta iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ay Degmada u hayaan, wuxuuna faray inay sii xoojiyaan wada shaqeynta bulshada iyo hirgelinta maamul daadejin iyo adeeg bixinta Dawladda Hoose. Kalfadhigan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Dawladaha Hoose ku hormarinayaan daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo adeeg bixinta dowladeed ee degmooyinka Puntland. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

518167272 1164124975758876 7007720678154601359 n
Bari

Bosaaso, 12-July-2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejisay Guddoomiyihii hore ee Degmada Bosaaso Mudane Cabdifataax Cismaan Shanle iyo Guddoomiyaha cusub ee Degmada Bosaaso Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali (Jinac).

Xafladda xil-wareejinta ayaa ka dhacday Hoolka Dawladda Hoose ee Degmada Bosaaso waxaana ka soo qayb galay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri, Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon), Gudoomiyaha ku xigeenka 1-aad Ee Barlamaanka Jubaland mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada Gole ee Dowladda, Taliska qaybta Gobolka Bari, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso, ururka haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Guddoomiyaha cusub, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali (Jinac) ayaa lagu soo dhaweeyey jawi diirran waxaana loo rajeeyey inuu xilkaas culus ee loo idmaday ku gudan doono daacadnimo, hufnaan, iyo horumarin bulsho oo ku wajahan Degmada Bosaaso. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland iyo Dhamaan Mas’uuliyiintii ka qayb gashay xaflada ayaa si weyn u bogaadiyey Guddoomiyihii hore Mudane Cabdifataax Cismaan Shanle, iyagoo uga mahadceliyey dadaalkii iyo adeegii uu bulshada u qabtay muddadii uu xilka hayey, una rajeeyey mustaqbal ifaya. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland ayaa mar walba garab taagan dawladaha hoose, iyadoo ka go’an tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo taageerada hay’adaha heer degmo, si loo gaaro horumar waara iyo adeeg bulsho oo hufan. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

518245009 1164053582432682 4371542483071219970 n
nugaal

Buurtinle: July 12, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ka daahfurtay fadhiga 3-aad ee kalfadhiga 25-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Munaasabadda daahfurka fadhigaan ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax, Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Abshir Hassan Mohamed , maamulka heer Degmo, xubnaha Golaha Deegaanka, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay. Fadhigan ayaa muhiimad gaar ah u leh kor u qaadidda hufnaanta maamulka deegaanka, isla markaana ah madal lagaga tashanayo horumarka, adeegyada bulshada iyo xalinta caqabadaha horyaalla degmada. K/S Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo furitaanka hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Golaha deegaanka ay si firfircoon uga qayb qaataan geeddi-socodka horumarinta Degmada iyo adeeg bixinta Dawladda Hoose, taas oo ay muhiim tahay in lagu garabsiiyo maamulka Degmada iyo shaqaalaha Dawladda Hoose. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxaa ka go’an kobcinta awoodda golayaasha deegaanka si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Intii uu socday fadhigu, xubnaha golaha deegaanka ayaa la filayaa inay ka doodaan qodobo muhiim ah oo la xiriira qorsheyaasha horumarineed ee degmada, miisaaniyadda sannadlaha ah, iyo arrimaha amniga iyo maamulka guud ee deegaanka. Fadhigan ayaa ah mid muujinaya joogtaynta shaqada golaha deegaanka, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku xaqiijinayso in golayaasha deegaanka ay noqdaan kuwo firfircoon, la xisaabtami kara, isla markaana u adeega danaha shacabka deegaanka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

516390662 1162224759282231 2482612632815649088 n
Bari

Ku: Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Raas-casayr.

Ku: Xubnaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Raas-casayr. Og: Isuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Raas-casayr. Og: Guddoomiyaha Gobolka Raas-casayr. Og: Madaxweynaha Dawladda Puntland. Ujeeddo: Shaacin Jadwalka furitaanka kalfadhiga Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Raas-casayr. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo tixgelinaysa soo jeedinta Guddoomiyaasha Degmooyinka, Guddoomiyaha Gobolka Raas-casayr iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Raas-casayr, waxay dib u soo saartay jadwalka cusub ee furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Raas-casayr, waana sidaan Hoose:- 1. Degmada Baargaal July 20, 2025. 2. Degmada Bareeda July 25, 2025. 3. Degmada Caluula August 02, 2025. 4. Degmada Gumbax August 06, 2025. Sidaa darteed, waa in Degmo kasta u diyaar garowdaa qabashada kalfadhiga waqtiga loo asteeyey, waxaana imaan doonaa doona Masuuliyiinta Wasaaradda dhexe iyo heer Gobol haddii alle idmo. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

518399561 1161773912660649 1341204550271897026 n
Bari

Bosaaso: July 09, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa maanta Degmada Bosaaso ee Gobolka Bari ku qabatay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Degmada Bosaaso iyadoo Golaha Deegaanka degmadu ay si xor ah oo dimuqraadi ah ugu codeeyeen Gudoomiyaha cusub.

Waxaa munaasabada doorashada Guddoomiyaha goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland, Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri, Maamulka Gobolka Bari, Guddoomiye ku xigeenka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka, Xoghayaha Dawladda Hoose iyo shaqaalaha kala duwan ee Degmada. Dhanka kale waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan seddex Gole ee Dawladda Puntland Golaha Xukuumadda, Golaha Wakiillada iyo Garsoorka, Taliska Booliska Gobolka Bari, Xibsiyada Siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Bosaaso. Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Bosaaso waxaa isu soo taagay 4 musharax Musharax kuwaas oo seddex ka mid ah u tanaasuleen Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Degmada Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali (Jinac), Sidaa darteed, waxay doorashadu u dhacday hab xor ah oo xaal ah waxaana Guddoomiyaha gacanta u taagay dhammaan Xildhibaanada ee Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso oo ka kooban 33 Mudane Gole deegaan, majirin cid diiday iyo cid ka aamustay. Waxaa Natiijada Rasmiga ah ee doorashada Duqa cusub ee Degmada Bosaaso ku dhawaaqay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, intaas kadib waxaa la guda galay daarinta Guddoomiyaha cusub. Doorashadan ayaa ku dhacday jawi nabdoon, hufan sido kalena Hannaanka doorashada ayaa ahaa mid si xor ah, xalaal ah oo hufan taasoo muujinaysa kalsoonida bulshada iyo horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Dawladda Puntland. Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa si weyn u bogaadiyay doorkii uu qabtay Guddoomiyihii hore, Mudane Cabdifitaax Cismaan Shalne, gaar ahaan horumarka, nabadgelyada, iyo adeegsiga maamulka wanaagsan ee uu muujiyay muddadii uu xilka hayay. Sidoo kale, waxay ammaan u jeediyeen Golaha Deegaanka degmada Boosaso oo ku dhaqmay habraac dimuqraadi ah oo hufan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland waxay mar walba garab taagan tahay Dawladaha hoose, waxayna dhiirrigelisaa in Guddoomiyaha cusub uu sii xoojiyo wada-shaqeynta bulshada, Hay’adda kala duwan Dawladda, daahfurnaanta, iyo adeegyada muhiimka ah ee Degmada Bosaaso u baahantahay in laga qabto in ka dhiman muddo xileedka Golaha Deegaanka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

516785497 1161734032664637 1550390268617988092 n
nugaal

Garowe, July 09, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, Mudane Abdi Farah Juxa ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray fadhiga 2-aad ee kalfadhiga 34-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Garowe.

Munaasabadda daahfurka kalfadhiga waxaa ka soo qaybgalay Isimada dhaqanka Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, masuuliyiin ka tirsan seddex Gole ee Dawladda Puntland Golaha Xukuumadda, Golaha Wakiillada iyo Garsoorka, Taliska Booliska Gobolka Nugaal, Xibsiyada Siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Garowe, bulshada rayidka ah, iyo marti sharaf kale. Wasiirka oo khudbad ka jeediyay daahfurka kalfadhiga 34-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Garowe ayaa xusay muhiimadda ay leedahay golaha deegaanka ay xoojiyaan wada shaqaynta guud iyo garabsiinta maamulka Degmada si ay u gutaan waajibaadkooda shoqo, doorkooda hoggaamineed, ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta hab-maamulka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal. Wasiirka ayaa xusay in Mas’uuliyadda saaran Golaha Deegaanka iyo fulintooda ay tahay mid culus, ayna u baahan tahay in ay si daacadnimo ah, karti iyo hufnaanna ku dheehantahay u gutaan waajibaadkooda. Wuxuun ku dhiirrigeliyey in ay la yimaadaan qorshayaal wax-ku-ool ah oo wax ka beddelaya nolosha dadka aad matashaan, kana jawaabaya baahiyahooda dhabta ah. Sidookale, Wasiirka yaa bogaadiyey shacabka caasumadda sida ay uga qayb qaateen hannaankaas doorasho iyo doorkooda firfircoon ee ay ka qaateen sidii loo helilahaa gole deegaan oo matala dantooda, codkoodana lagu ixtiraamo. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta waxay sii wadi doontaa u qareemidda, iskutashiga iyo korjoogteynta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland si ay ugu adeegtaan bulshada si waafaqsan sharciga iyo qawaaniinta Dalka. Ugu dambeyn, waxaan rajeynaynaa in kalfadhigan 34-aad ee Golaha Deegaanka Degmaa Garowe uu noqdo mid miro-dhal ah, dood wax-ku-ool ahna lagu yeesho, laguna gaaro go’aammo dan u ah horumarka Garowe iyo dadka ku nool. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

518242251 1160970496074324 1941291775008878867 n
nugaal

𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐣𝐚𝐝𝐰𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐃𝐮𝐪𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝑫𝒂𝒏𝒈𝒐𝒓𝒂𝒚𝒐.

Ku: Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dangorayo. Ku: Dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal. Og: Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Nugaal. Og: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal. Og: Madaxweynaha Dawladda Puntland 𝑼𝒋𝒆𝒆𝒅𝒅𝒐: Wargelin Jadwalka Doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Dangorayo. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal in ay u diyaar garoobaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Dangorayo maalinta Isniinta ah oo ku beegan July 14, 2025, Jadwalka Doorashaduna wuxuu noqon doonaa sidaan hoose:- 𝗝𝗮𝗱𝘄𝗮𝗹𝗸𝗮. 1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟎𝟖, 𝟐𝟎𝟐𝟓 ilaa 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟏𝟑, 𝟐𝟎𝟐𝟓. 2. Dhaarta iyo doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka 𝐉𝐮𝐥𝐲 1𝟒, 𝟐𝟎𝟐𝟓. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

517549469 1160964426074931 6367681942031176376 n
nugaal

Dangaroyo: July 08, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Degmada Dangaroyo ee Gobolka Nugaal ka daahfuray Kalfadhiyada 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo.

Munaasabadda daahfurka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo waxaa goobjoog ahaa ahaa Xildhibaano ka ka socday Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Ku simaha Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose, La taliyahaMadaxweynaha, masuuliyiinta ka socday Xisbiyada Siyaasadda, Maamulka Degmada iyo Xubnaha Golaha Deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo. K/S Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed oo shirka kalmad ka jeediyey ayaa u mahadceliyey maamulkii hore ee Degmada Dangaroyo, wadashaqeynti iyo hufnaanta shaqo ee ay Degmada ku soo maamuleen intii Guddoomiyaha xilka joogay. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top