Garowe, July 09, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, Mudane Abdi Farah Juxa ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray fadhiga 2-aad ee kalfadhiga 34-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Garowe.

Munaasabadda daahfurka kalfadhiga waxaa ka soo qaybgalay Isimada dhaqanka Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, masuuliyiin ka tirsan seddex Gole ee Dawladda Puntland Golaha Xukuumadda, Golaha Wakiillada iyo Garsoorka, Taliska Booliska Gobolka Nugaal, Xibsiyada Siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Garowe, bulshada rayidka ah, iyo marti sharaf kale.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyay daahfurka kalfadhiga 34-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Garowe ayaa xusay muhiimadda ay leedahay golaha deegaanka ay xoojiyaan wada shaqaynta guud iyo garabsiinta maamulka Degmada si ay u gutaan waajibaadkooda shoqo, doorkooda hoggaamineed, ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta hab-maamulka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal.
Wasiirka ayaa xusay in Mas’uuliyadda saaran Golaha Deegaanka iyo fulintooda ay tahay mid culus, ayna u baahan tahay in ay si daacadnimo ah, karti iyo hufnaanna ku dheehantahay u gutaan waajibaadkooda. Wuxuun ku dhiirrigeliyey in ay la yimaadaan qorshayaal wax-ku-ool ah oo wax ka beddelaya nolosha dadka aad matashaan, kana jawaabaya baahiyahooda dhabta ah.
Sidookale, Wasiirka yaa bogaadiyey shacabka caasumadda sida ay uga qayb qaateen hannaankaas doorasho iyo doorkooda firfircoon ee ay ka qaateen sidii loo helilahaa gole deegaan oo matala dantooda, codkoodana lagu ixtiraamo.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta waxay sii wadi doontaa u qareemidda, iskutashiga iyo korjoogteynta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland si ay ugu adeegtaan bulshada si waafaqsan sharciga iyo qawaaniinta Dalka.
Ugu dambeyn, waxaan rajeynaynaa in kalfadhigan 34-aad ee Golaha Deegaanka Degmaa Garowe uu noqdo mid miro-dhal ah, dood wax-ku-ool ahna lagu yeesho, laguna gaaro go’aammo dan u ah horumarka Garowe iyo dadka ku nool.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top