karkaar

518328009 1166429282195112 3044818949047351931 n
karkaar

Qardho: July 15, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah oo uu weheliyo KS Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Abshir Hassan Mohamed ayaa ka qaybgalay daahfuray Kalfadhiga 38-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Qardho.

Munaasabadda furitaanka kalfadhigan ayaa waxaa ka qaybgalay Xildhibaan Maxamuud Cali Gooni oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, Duqa Degmada Qardho Mudane Cabdulqaadir Siciid Qaal iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cabdullaahi Siciid, xubnaha Golaha deegaanka Degmada, iyo marti sharaf kale oo ka kooban Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Wasiir ku-xigeenku waxa uu ku bogaadiyay golaha deegaanka Qardho hawlaha ay u hayaan bulshada, isagoo xusay in golayaashu ay yihiin tiir muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagga. Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Qardho oo khudbad ka jeediyey ayaa soo bandhigay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta nabadgelyada, iyo kor u qaadidda daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha deegaanka. Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka oo soo xiray munaasadda ayaa adkeeyey sida ay muhiim u tahay in la joogteeyo kalfadhiyada golayaasha deegaanka si looga wada-tashado qorsheyaasha horumarineed. Sido kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa ku dhiirrigeliyay golaha in ay sii laba-jibaaraan shaqadooda, ayna bulshada la shaqeeyaan si loo gaaro horumar waara oo la taaban karo. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

475763138 1039651418206233 2840565137173281199 n
karkaar

Xumbays: February 03, 2025: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa tababarka awood siinta Golaha Deegaanka ka wadda Degmada Xumbays ee Gobolka Karkaar.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 3-aad laga qaban doonaa 5 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Karkaar iyo 2 Degmo oo Gobolka Bari ah. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

475983579 1039101408261234 1083473313961501447 n
karkaar

Dhudhub: February 02, 2025: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar ka daahfuray tababarka awood siinta Golaha Deegaanka Degmada Dhudhub.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 3-aad laga qaban doonaa 5 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Karkaar iyo 2 Degmo oo Gobolka Bari ah. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

475095478 1033931232111585 6456065475602552606 n
karkaar

Qardho: January 26, 2025: Guddiga amnigga Gobolka Karkaar oo ka kooban Maamulka Gobolka, Maamulka Degmada Qardho, qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo laamaha amniga Gobolka ayaa shir ku sheeyey xarunta maamulka Gobolka Karkaar.

Kulankaan oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan, ayaa shir degdeg ah ka yeeshay xaaladda Amni ee guud ahaan Gobolka Karkaar iyo kan caasimadda Gobolka ee Qardho. Iyada oo la tixraacayo wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa shirkaan waxaa laga soo saaray qodobo kala duwan oo xagga amni la xariira iyo wada shaqayn bulshadda iyo guud ahaan hay’adaha Gobolka Karkaar si looga digtoonaado ku milanka bulshada ee ajaaniibta wadanka ku soo gala sifada aan sharciga ahayn. Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan galay fulinta go’aankii soo baxay 25 jannaayo 2025. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471580601 1010541797783862 4308114983287131890 n
karkaar

AGAASIMAHA GUUD OO DAAH-FURAY SHIRKA DIB U EEGISTA XEER LR.7, WAJIGIISA 3-AAD.

Qardho: December 24, 2024: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa maanta daahfurey wajiga 3-aad ee shirka dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7 oo lagu qabtay Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland, Ururka Dowladdaha Hoose ee ALGABL, Agaasimayaal Guud, Hay’adaha maxaliga ah, Jaamacadaha, Garsoorka, sharciyaqaano iyo aqoonyahan kala duwan oo door ku lahaa doodda dib u eegista Xeerka. Ugu horreyntii waxaa shirka si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa Warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud. Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay aqoonyahankii iyo Madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Dastuurka Dowladda Puntland oo meel badan kala duwanaansho ka jiro iyo in kaabis lagu sameeyo qodobada qaarkood. Qodobada aadka looga dooday waxaa ka ka mid ahaa, Qodobka 29-aad ee Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Qodobka 24-aad oo sheegaya Shuruudaha lagu lumin karo xubinnimada Golaha Deegaanka. Qodobada 45-aad oo sheegaya habka ay ku furmayaan Fadhiyada Goleyaasha Deegaanka iyo ugu dambeyntii Qodobka 26-aad oo sheegaya Qaab-dhismeedka Derajoonka Degmooyinka iyo tirada xubnaha Golaha Deegaanka. Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta aqoonyahan waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top