Kulankaan oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan, ayaa shir degdeg ah ka yeeshay xaaladda Amni ee guud ahaan Gobolka Karkaar iyo kan caasimadda Gobolka ee Qardho.
Iyada oo la tixraacayo wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa shirkaan waxaa laga soo saaray qodobo kala duwan oo xagga amni la xariira iyo wada shaqayn bulshadda iyo guud ahaan hay’adaha Gobolka Karkaar si looga digtoonaado ku milanka bulshada ee ajaaniibta wadanka ku soo gala sifada aan sharciga ahayn.
Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan galay fulinta go’aankii soo baxay 25 jannaayo 2025.