WAR-SAXAAFADEED

471141495 1010324411138934 5424433464371353692 n
WAR-SAXAAFADEED

BAAQA NABADEED IYO GO’AANKA KA SOO BAXAY SHAQAAQADII KA DHACDAY XARFO. Xarfo: December 24, 2024: Wadatashi ay yeesheen waftiga Dawladda, Isimada dhaqanka, Culumada, guddiga odayaasha ee dhex-dhexeedinta beelaha iyo guddiga odayaasha labada daraf ee dirirtu dhexmartay waxaa lagu heshiiyey qodobada soo socda.

1. waxaa la isla qaatay xabad joojin buuxda. 2. In magaalada laga saaro dhammaan ciidan beeleedkii dirirtu dhexmartay, lana geeyo goobo cayiman oo la isla gartay, magaaladana aan hub lala soo geli karin, lalana dhexmari karin. 3. In labada darafba ay u diyaar garoobaan gogol nabadeed iyo wada hadal, si loo xaliyo khilaafka arrintaan, gogoshaas oo ka dhacaysa Degmada Xarfo, gaar ahaan guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud, taariikhdu marka ay tahay 25/12/2024. 4. in darafkii jabiya xabad joojinta lagu heshiiyey lagu ganaaxo lacag dhan $20.000 (Labaatan kun oo Dollar), iyo falkaas khasaaraha ka dhasha. 5. in masuuliyadda amniga guud ahaan Degmada Xarfo ay masuul ka tahay Dawladda Puntland. 6. waxaa kale oo guddigu go’aamiyeen in kharashka ku baxaya gogoshada nabadda iyo martida ay masuul ka yihiin labada Beelood ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad si siman. 7. Ugu dambeyntii waxaa la farayaa in dhammaan darafyadu u hogaansamaan awaamiirta la isla qaatay. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

465597435 974966374674738 2407080690389746928 n
Arrimaha Gudaha DPL., WAR-SAXAAFADEED

𝗠𝗨𝗗𝗘𝗬𝗡𝗧𝗔 𝗙𝗔𝗥𝗜𝗜𝗦𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗚𝗢𝗟𝗘𝗬𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗗𝗘𝗘𝗚𝗔𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗘𝗘 𝗗𝗘𝗚𝗠𝗢𝗢𝗬𝗜𝗡𝗞𝗔 𝗚𝗔𝗥𝗢𝗪𝗘, 𝗗𝗔𝗡𝗚𝗢𝗥𝗔𝗬𝗢 𝗜𝗬𝗢 𝗚𝗢𝗗𝗢𝗕-𝗝𝗜𝗥𝗔𝗔𝗡.

Ku: Dhammaan Xubnaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan ee Gobolka Nugaal. Ku: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal. Og: Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Nugaal. Og: Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland. Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland. Ujeeddo: Wargelin Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan ee Gobolka Nugaal. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal in ay u diyaar garoobaan waajibaadyada u dhimman ee dhaarta iyo fariisinta Goleyaasha Deegaanka. Sidoo kale, waxaa lagu wargelinayaa Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Xisbiyada Siyaasadda ee soo dhistay 3-da Degmo in ay ka qayb qaataan fududeynta fariisinta iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal. Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal. 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞. 1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 05 – 08 November 2024. 2. Dhaartinta iyo fariisinta 09 November 2024. 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐠𝐨𝐫𝐚𝐲𝐨. 1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 06- 12 November 2024. 2. Dhaarinta iyo Fariisinta 13 November 2024. 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐝𝐨𝐛-𝐣𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧. 1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 10 – 15 November 2024. 2. Dhaarta iyo Fariisinta 16 November 2024. Fiiro gaar ah: waxaa jiri doona Masuuliyiin Wasaaraddu u xilsaartay fududeynta dhismaha dhammaan Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

464187309 965187092319333 905034235662075004 n
Arrimaha Gudaha DPL., WAR-SAXAAFADEED

WARGELIN DHISMAHA GOLAHA DEEGAANKA DEGMOOYINKA GOBOLKA NUGAAL.

Ku: Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland Garowe Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland Garowe UJeeddo: Soo gudbin Heshiiska Xisbiyada ee Dhismaha Golaha Degaanka Degmooyinka Gobolka Nugaal. Tixraac warqadda summadeedu tahay XWK/WAG//F/D/30/2024 kuna taariikhaysan September 25, 2024, kana soo baxday Xafiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ujeeddadeeduna ahayd soo gudbin heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee ah Dhismaha Golaha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal. Sidaa darteed, madaama qodobka 29-aad ee Xeer LR.7 Farqaddiisa 1-aad aysan ka hirgelin Doorashadii 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal, waxaa Xisbiyada Siyaasadda lagu wargelinayaa markii 2-aad in ay soo gudbiyaan qaabka ay ku dhisanayaan Degmooyinka kor ku xusan iyaga oo ku salaynaya qodobada uu siinayo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee LR.7. Haddaba, maadaama Xubnaha Golaha Deegaanka la doortay ay xaq u liiyihiin in ay xasaanadda Xildhibaannimo qaataan, lana fariisiyo Golaha Deegaanka si ay ugu adeegaan bulshada, waxaa laga codsanayaa Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland in heshiiska Xisbiyadu ay Wasaaradda la soo wadaagayaan uu noqdo mid ay soo saxiixeen Madaxda Xisbiyadda Siyaasadda ee saxiixa rasmiga ah leh, ugu dambayn 02/11/2024.

465473292 973581148146594 8951262953146944724 n 1
Arrimaha Gudaha DPL., WAR-SAXAAFADEED

Ujeeddo: Shaacin Heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee Dhismaha Golaha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxaa soo gaaray caawa oo ay taariikhdu tahay 02-11-2024, Heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee ku aadan Dhismaha Golaha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal. Heshiiska Xibsiyada Siyaasadda ee 3-da Degmo ayaa ku dhisan isbahaysi sida uu qabo Qodobka 29-aad ee Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka farqaddiisa 2-aad. oo u dhigan sidaan:- Haddii Xisbina ku guulaysan waayo tirada xubnaha ku filan in uu soo dhisto Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, sida ku xusan farqadda 1-aad, waxay samayn karaan Xisbiyadu is bahaysi si ay u helaan aqlabiyad ay ku soo dhistaan Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa. 1. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Godob-jiiraan ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah iyo Mideeye waxay ku heshiiyeen:- A. In Kaynaan Cabdi Jaamac Xirsi uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Kaah). B. In Maxamed Axmed Saalax uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Mideeye). 2. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha waxay ku heshiiyeen:- A. In Xaamid Axmed Xaaji Maxamed uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Dangorayo. (Xisbiga Kaah). B. In Axmed Ciise Saciid uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dangarayo. (Xisbiga Mideeye). 3. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay Heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha. Waxay ku heshiiyeen. A. In Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah). B. In Maxamed Cali Maxamed (Xamari) uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah). Sidaa darteed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay wadatashi kooban kadib, dhakhso u soo saaraysaa jadwalka Dhaarinta iyo Fariisinta Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan. Ugu dambayntii Wasaaraddu waxay u mahacelinaynaa Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland oo heshiiskooda soo gudbiyey waqtigii loogu talagalay.

Scroll to Top