Shaxda Hoose waxay Muujinaysaa Degmooyinka ku guulaystay tartanka Ka qaybgalka mashruuca Bulsho.
Shaxda Hoose waxay Muujinaysaa Degmooyinka ku guulaystay tartanka Ka qaybgalka mashruuca Bulsho.
Shaxda Hoose waxay Muujinaysaa Degmooyinka ku guulaystay tartanka Ka qaybgalka mashruuca Bulsho.
𝗚𝗮𝗿𝗼𝘄𝗲: 𝗝𝘂𝗹𝘆 𝟭𝟱, 𝟮𝟬𝟮𝟱: We strongly condemn the Federal Government, which in recent days has been stirring up conflict, inciting communities, and destabilizing the peaceful regions of Puntland. We also unequivocally condemn the XSM administration for organizing and deploying armed militias this afternoon, which sparked violent clashes in Dhahar District, Haylaan Region, resulting in the tragic loss of life. This heinous act is a blatant attempt to undermine Puntland’s legitimate struggle against international terrorism, namely ISIS and AlShabaab, in the Calmidhkaad and Calmadow mountains. It is an act for which the Federal Government must be held accountable. It is deeply regrettable that the HSM administration—having failed in all its mandated responsibilities—has now turned to roam the peaceful regions of Puntland with weapons in hand, using international aid intended for Somalia to sow the seeds of disunity and destruction. We express our condolences for the loss of life and property resulting from today’s fighting and call on the people of Puntland to strengthen their peace and unity. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎
Garowe: July 15, 2025: Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dawladda Federaalka ah oo maalmahan Gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex wadda “Hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan”. Waxaan kaloo, sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda XSM in ay galabta Maleeshiyaad hubaysan oo ay soo abaabushay ay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed, taas oo keentay dhimasho nafeed iyo Dhaawac. Falkaan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Dawladda Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS ee buuraha CALMIDKAAD iyo CALMADOW, wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo. Waxaa nasiib darro ah in Xukuumadda XSM oo ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday inay iyadoo isticmaalaysa deeqihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu talo galay ay qori dab leh kula dhex wareegto Gobollada Puntland ee nabadda ah, una soo jeensato wax dumin keli ah. Waxaan ka tacsiyeynaa Dadkii ku dhintay dhacdadii galabta ka dhacday Degmada Dhahar, ilaahay ha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna alle ha u booga dhayo. Ugu dambayntii waxaan ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland inay gacmaha isqabsadaan, midnimadooda iyo wadajirkoodana ilaaliyaan. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dangorayo. Madasha doorashada waxaa ka qaybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal, Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Madax ka socotay Xisbiyada Siyaasadda, madax hore, Siyaasiyiin, ganacsato, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo July 08, 2025 muddaysay qabashada Doorashada in ay ku dhacdo July 14, 2025 ayaa sidoo loo qorsheeyey u qabsoontay doorashadaan waxaa isku soo taagay 2 musharax oo kala ah:- 1. Musharax Guddoomiye Maxamuud Cabdicasiis Xasan 2. Musharax Guddoomiye Cabdinajiib Siciid Axmed. Labada musharax ayaa galay doorasho toos ah oo qarsoodi/sanduuq, waxayna kala heleen wareeggii 1-aadba Musharax Guddoomiye Maxamuud Cabdicasiis wuxuu helay 18 cod. Halka musharax Guddoomiye Cabdinajiib Siciid uu helay 9 cod. Sidaa darteed, waxaa Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dangorayo ku guulaystay Xildhibaan Maxamuud Cabdicasiis Xasan. Masuuliyiinta kala duwanaa ee madasha ka hadlay ayaa boodaaiyey guddigii doorashada qabtay, xubnaha Golaha Deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
Munaasabadda daahfurka fadhigaan ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax, Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Abshir Hassan Mohamed , maamulka heer Degmo, xubnaha Golaha Deegaanka, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay. Fadhigan ayaa muhiimad gaar ah u leh kor u qaadidda hufnaanta maamulka deegaanka, isla markaana ah madal lagaga tashanayo horumarka, adeegyada bulshada iyo xalinta caqabadaha horyaalla degmada. K/S Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo furitaanka hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Golaha deegaanka ay si firfircoon uga qayb qaataan geeddi-socodka horumarinta Degmada iyo adeeg bixinta Dawladda Hoose, taas oo ay muhiim tahay in lagu garabsiiyo maamulka Degmada iyo shaqaalaha Dawladda Hoose. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxaa ka go’an kobcinta awoodda golayaasha deegaanka si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Intii uu socday fadhigu, xubnaha golaha deegaanka ayaa la filayaa inay ka doodaan qodobo muhiim ah oo la xiriira qorsheyaasha horumarineed ee degmada, miisaaniyadda sannadlaha ah, iyo arrimaha amniga iyo maamulka guud ee deegaanka. Fadhigan ayaa ah mid muujinaya joogtaynta shaqada golaha deegaanka, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku xaqiijinayso in golayaasha deegaanka ay noqdaan kuwo firfircoon, la xisaabtami kara, isla markaana u adeega danaha shacabka deegaanka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
Munaasabadda daahfurka kalfadhiga waxaa ka soo qaybgalay Isimada dhaqanka Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, masuuliyiin ka tirsan seddex Gole ee Dawladda Puntland Golaha Xukuumadda, Golaha Wakiillada iyo Garsoorka, Taliska Booliska Gobolka Nugaal, Xibsiyada Siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Garowe, bulshada rayidka ah, iyo marti sharaf kale. Wasiirka oo khudbad ka jeediyay daahfurka kalfadhiga 34-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Garowe ayaa xusay muhiimadda ay leedahay golaha deegaanka ay xoojiyaan wada shaqaynta guud iyo garabsiinta maamulka Degmada si ay u gutaan waajibaadkooda shoqo, doorkooda hoggaamineed, ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta hab-maamulka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal. Wasiirka ayaa xusay in Mas’uuliyadda saaran Golaha Deegaanka iyo fulintooda ay tahay mid culus, ayna u baahan tahay in ay si daacadnimo ah, karti iyo hufnaanna ku dheehantahay u gutaan waajibaadkooda. Wuxuun ku dhiirrigeliyey in ay la yimaadaan qorshayaal wax-ku-ool ah oo wax ka beddelaya nolosha dadka aad matashaan, kana jawaabaya baahiyahooda dhabta ah. Sidookale, Wasiirka yaa bogaadiyey shacabka caasumadda sida ay uga qayb qaateen hannaankaas doorasho iyo doorkooda firfircoon ee ay ka qaateen sidii loo helilahaa gole deegaan oo matala dantooda, codkoodana lagu ixtiraamo. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta waxay sii wadi doontaa u qareemidda, iskutashiga iyo korjoogteynta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland si ay ugu adeegtaan bulshada si waafaqsan sharciga iyo qawaaniinta Dalka. Ugu dambeyn, waxaan rajeynaynaa in kalfadhigan 34-aad ee Golaha Deegaanka Degmaa Garowe uu noqdo mid miro-dhal ah, dood wax-ku-ool ahna lagu yeesho, laguna gaaro go’aammo dan u ah horumarka Garowe iyo dadka ku nool. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Ku: Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dangorayo. Ku: Dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal. Og: Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Nugaal. Og: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal. Og: Madaxweynaha Dawladda Puntland 𝑼𝒋𝒆𝒆𝒅𝒅𝒐: Wargelin Jadwalka Doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Dangorayo. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal in ay u diyaar garoobaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Dangorayo maalinta Isniinta ah oo ku beegan July 14, 2025, Jadwalka Doorashaduna wuxuu noqon doonaa sidaan hoose:- 𝗝𝗮𝗱𝘄𝗮𝗹𝗸𝗮. 1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟎𝟖, 𝟐𝟎𝟐𝟓 ilaa 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟏𝟑, 𝟐𝟎𝟐𝟓. 2. Dhaarta iyo doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka 𝐉𝐮𝐥𝐲 1𝟒, 𝟐𝟎𝟐𝟓. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Munaasabadda daahfurka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo waxaa goobjoog ahaa ahaa Xildhibaano ka ka socday Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Ku simaha Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose, La taliyahaMadaxweynaha, masuuliyiinta ka socday Xisbiyada Siyaasadda, Maamulka Degmada iyo Xubnaha Golaha Deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo. K/S Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed oo shirka kalmad ka jeediyey ayaa u mahadceliyey maamulkii hore ee Degmada Dangaroyo, wadashaqeynti iyo hufnaanta shaqo ee ay Degmada ku soo maamuleen intii Guddoomiyaha xilka joogay. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Qaabkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda dowlad-goboleedyada ee qorsheynta horumarka waara iyo kor u qaadidda maalgelinta si loo gaaro Yoolalka Horumarka Waara (SDGs). Kulanka oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo go’aan qaadasho ku saleysan caddeyn (evidence-based policymaking), ayaa si gaar ah waxaa loogu falanqeeyey qorshaha lagu horumarinayo Qaabka Dhaqaaleed ee Isku-Dhafan (Computable General Equilibrium – CGE Model). Qaabkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in la helo xog iyo saadaal sugan oo ku aaddan sameynta siyaasadaha iyo barnaamijyada horumarineed, si go’aamada la qaadanayo ay u noqdaan kuwo waxtar leh, la isku halleyn karo, isla markaana u adeegaya geeddi-socodka INFF iyo qorsheyaasha horumarineed ee dalka. Qodobbada diiradda la saaray kulanka waxaa kamid ahaa: 1. Faa’iidada CGE Model – Khubarada UNDP waxay sharaxaad ka bixiyeen sida CGE model uu gacan uga geysan karo qiimeynta saameynta siyaasadaha kala duwan iyo kobcinta fahamka dhaqaale ee ku saleysan tijaabooyinka iyo saadaasha xogta. 2. Baahida Qiimeynta Suurtagalnimada (Feasibility Assessment) – Ka hor inta aan la bilaabin hirgelinta CGE model, waxaa la isla gartay in la sameeyo daraasad suurtagalnimo oo lagu qiimeynayo: • Helitaanka xogaha lagama maarmaanka u ah • Heerka ka-qaybgalka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda • Is-waafajinta habraacyada farsamo iyo xog ururin • Baahida tababbarro iyo dhisidda awoodda hay’adaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Abdi Farah juxa oo uu weheliyo Lataliyaha Mashaariicda ee Wasaaradda, Mudane Mohamed Geelle , ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay horumarinta iyo hirgelinta CGE model-ka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa xusey in qaabkan uu muhiim u yahay Wasaaradda gaar ahaan dhanka dejinta siyaasado dhaqaale oo ku saleysan xaqiiqo, taasoo suurto gelin karta in kor loo qaado dakhliga gudaha (canshuuraha), si adeegyo tayo leh loo gaarsiiyo degmooyinka Puntland. Ugu dambeyn, kulanka waxaa hoosta laga xariiqay in la xoojiyo nidaamka maaliyadeed ee heer degmo iyo heer wasaaradeed ba iyo sidii dhaqaale loogu shubi lahaa degmooyinka si loo hormariyo adeegyada ay gaarsiinayaan bulshada. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Laba Guddoomiye Gobol ayaa abaalmarintaan ku muteystay xoojinta xiriirka maalinlaha ah ee ku saabsan hawlaha shaqo ee heer Gobol, taasoo fure u noqotay in si wax ku ool ah wax looga qabto baahiyaha shacabka ee heer Gobol iyo Degmo. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.