Buurtinle: July 12, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ka daahfurtay fadhiga 3-aad ee kalfadhiga 25-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Munaasabadda daahfurka fadhigaan ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax, Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Abshir Hassan Mohamed , maamulka heer Degmo, xubnaha Golaha Deegaanka, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay. Fadhigan ayaa muhiimad gaar ah u leh kor u qaadidda hufnaanta maamulka deegaanka, isla markaana ah madal lagaga tashanayo horumarka, adeegyada bulshada iyo xalinta caqabadaha horyaalla degmada.
K/S Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo furitaanka hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Golaha deegaanka ay si firfircoon uga qayb qaataan geeddi-socodka horumarinta Degmada iyo adeeg bixinta Dawladda Hoose, taas oo ay muhiim tahay in lagu garabsiiyo maamulka Degmada iyo shaqaalaha Dawladda Hoose.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxaa ka go’an kobcinta awoodda golayaasha deegaanka si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Intii uu socday fadhigu, xubnaha golaha deegaanka ayaa la filayaa inay ka doodaan qodobo muhiim ah oo la xiriira qorsheyaasha horumarineed ee degmada, miisaaniyadda sannadlaha ah, iyo arrimaha amniga iyo maamulka guud ee deegaanka.
Fadhigan ayaa ah mid muujinaya joogtaynta shaqada golaha deegaanka, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku xaqiijinayso in golayaasha deegaanka ay noqdaan kuwo firfircoon, la xisaabtami kara, isla markaana u adeega danaha shacabka deegaanka.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top