Badhan 24 JUNE 2025 – Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Yusuf Maxamed Wacays Dhado oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Kalfadhiyada 3-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Badhan Cawad Cali Xiirey ayaa khudbadiisa rasmiga ku daahfuray agenjadaha shirka iyo waxbadkii Golaha intii labadaba kalfadhiga u dhaxaysay. Munaasabadda furitaanka kalfadhiga ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag maamulka degmada Badhan, saraakiil ciidan, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kalfadhigan 3-aad ee Golaha Deegaanka Badhan ayaa ah mid muhiim u ah dardargelinta hannaanka dowlad-dhisidda ee heer degmo, gaar ahaan xoojinta dimuqraadiyeynta, ka-qaybgalka bulshada iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga ah ee ay degmadu u baahan tahay. Wasiir doowlaha oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Badhan ayaa ku bogaadiyey Golaha Deegaanka sida ay uga go’an tahay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isagoo xusay in dowladdu ay garab taagan tahay dadaallada lagu horumarinayo Degmada. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay marwalba xoojinaysaa in Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee shacabku soo doortay in ay dadka ugu adeegaan si hufan, waxtar leh, kuna dhisan kalsoonida dadweynaha soo doortay, waxaana lagu kormeeri doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta waajibaadka shaqo ee fulinta. Ugu dambeyntii Wasiir doowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL wuxuu bogaadiyey Maamulka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Badhan, wuxuuna kula dardarmaay in ay xoojiyaan isku duubnaanta, hufnaanta shaqo iyo in ay xalintaas khilaafaadka gudahooda ah iyo u aaddgidda bulshada si wada jir ah. Ajandihiina waa la ansaxiyey. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.









