Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda KAALO, ayaa lagu gorfeeyey Sidii dhalinyaradu wax uga ogaan lahaayeen sida Dawladda Hoose u shaqayso, doorka xildhibaanada iyo adeegyada ay u idman tahay Dawladda Hoose inay fuliso.
Intii uu kulanku socday, xildhibaanada Golaha deegaanka ayaa dhalinyarada la wadaagay warbixin ku saabsan hawlahooda iyo waxqabadka ay ka fuliyeen degmada, Dhalinyaraduna waxay soo bandhigeen su’aalo iyo talooyin la xiriira baahiyahooda, sida helitaanka waxbarasho tayo leh, iskuullo farsamo-gacmeed, horumarinta Ciyaaraha iyo ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasada iyo maamulka.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.








