Garowe: May 29, 2025: Wasiir Kuxigeenka ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa magaalada Garowe kulan miro-dhal ah kula qaatay qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqooyinka Dawladaha Hoose, hagaajinta hannaanka maamulka degmooyinka, iyo u diyaar garowga golayaasha deegaanka oo si rasmi ah u furmaya 11-ka bisha June 2025.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee Garowe ku sugan iyo hawl-wadeenada Wasaaradda, waxaana diiradda lagu saaray, Kordhinta waxtarka Maamulka Degmooyinka, dar-dargelinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada loo hayo, Isku xirka xoojinta xiriirka Dawladda iyo bulshada ku nool Degmooyinka Puntland.
Wasiir Kuxigeenka ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey guddoomiyeyaasha degmooyinka doorkooda muhiimka ah, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan wadashaqeynta kala dhaxeysa wasaaradda iyo hay’adaha maxalliga ah. Wuxuu sheegay in furitaanka kalfadhiga Goleyaasha deegaanka ay fure u yihiin Dimuqraadiyeynta Puntland, isla markaana ay muhiim tahay in looga doodo waxqabadka qabsoomay iyo qorsheyaasha hortabinta leh ee Degmada u qorshaysan.
“Degmo walba waxay leedahay door muhiim ah oo ay kaga qeyb qaadaneyso horumarinta nidaamka dowladeed iyo xaqiijinta adeeg hufan oo lagu gaarsiiyo shacabka. Waa waajib in si wadajir ah loo dardargeliyo howlaha horyaalla,” ayuu yiri Wasiir Kuxigeenku.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top