Author name: admin

FB IMG 1751274705098
nugaal

Garowe: June 29, 2025: Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Said Abdullahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa daahfuray shirka Maamul Baahinta Dawladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo shirka khudbad ka jeediyey ayaa soo bandhigay shaqooyinka Wasaaradda u qabsoomay, guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo shaqooyinka hadda qorshaysan.   Sidookale, shirka waxaa qayb ka ahaa dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan ee Wasaarada Arrimaha Gudaha DPL.   Shirkan oo ah mid muhiimad gaar ah u leh horumarinta hab-maamul daadejinta Puntland, ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo adeeg bixinta dawladda, la dhiso awoodda hay’adaha heer deegaan, isla markaana la xaqiijiyo ka-qaybgalka bulshada ee maamulka iyo hannaanka go’aan gaarista.   Waxaa Shirka ka qeybgalaya Golaha Xukuumadda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimeyaasha Guud, Hanti-dhowraha Guud, Taliyeyaasha Ciidanka, Guddoomiyeyaasha Gobollada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasime-Waaxeedyada, Isu-duwayaasha Gobollada, Xoghayeyaasha Dowladaha Hoose iyo Masuuliyiinta kale ee Dowladda, kuwaas oo dhammaantood door muuqda ku leh geeddi-socodka maamul daadejinta.   ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GU DAHA DPL.

FB IMG 1750963386926
Bari

Carmo: June 26, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa si wadajir ah u daahfuray Kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Kadib, markii kalfadhiga si toos ah u furmay waxaa xilka Guddoomiyaha Degmada Carmo iska casilay Guddoomiyihii Degmada, isaga oo caddeeyey in uu la shaqayn doono ciddii kale ee la doorto.   Maalmaha soo socda waxaa la dooran doonaa Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Carmo.   Sidoo kale, kalfadhiga Golaha Deegaanka waxaa looga doodi doonaa ajendayaasha hortabinta u leh geedi-socodka horumarinta Degmada Carmo, si loo xoojiyo adeegyada bulshada iyo maamulka deegaanka.   ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD ▪︎▪︎▪︎

502750285 1138842971620410 4146239015185172632 n
nugaal

SHAACIN JADWALKA KALFADHIGA GOLEYAASHA DEEGAANKA DEGMOOYINKA DPL.

Garowe: June 10, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka LR.7. Qodobkiisa 44-aad, Farqaddiisa 2-aad. Iyada oo la xeerinayo duruufaha jiray ee keenay in ay baaqdaan kalfadhiyadii hore, waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL soo saartay jadwalka kalfadhiyada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

502890229 1131983855639655 8024972720279961313 n
sanaag

Badhan: May 2025: Kulan Dhexmaray Dhalinyarada iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag ayaa lagu qabtay kulan muhiim ah oo u dhexeeyey dhalinyarada Degmada iyo xildhibaanada Golaha Deegaanka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda KAALO, ayaa lagu gorfeeyey Sidii dhalinyaradu wax uga ogaan lahaayeen sida Dawladda Hoose u shaqayso, doorka xildhibaanada iyo adeegyada ay u idman tahay Dawladda Hoose inay fuliso. Intii uu kulanku socday, xildhibaanada Golaha deegaanka ayaa dhalinyarada la wadaagay warbixin ku saabsan hawlahooda iyo waxqabadka ay ka fuliyeen degmada, Dhalinyaraduna waxay soo bandhigeen su’aalo iyo talooyin la xiriira baahiyahooda, sida helitaanka waxbarasho tayo leh, iskuullo farsamo-gacmeed, horumarinta Ciyaaraha iyo ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasada iyo maamulka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

502404149 1130517719119602 4932377937867688002 n
nugaal

Garowe: May 29, 2025: Wasiir Kuxigeenka ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa magaalada Garowe kulan miro-dhal ah kula qaatay qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqooyinka Dawladaha Hoose, hagaajinta hannaanka maamulka degmooyinka, iyo u diyaar garowga golayaasha deegaanka oo si rasmi ah u furmaya 11-ka bisha June 2025. Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee Garowe ku sugan iyo hawl-wadeenada Wasaaradda, waxaana diiradda lagu saaray, Kordhinta waxtarka Maamulka Degmooyinka, dar-dargelinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada loo hayo, Isku xirka xoojinta xiriirka Dawladda iyo bulshada ku nool Degmooyinka Puntland. Wasiir Kuxigeenka ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey guddoomiyeyaasha degmooyinka doorkooda muhiimka ah, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan wadashaqeynta kala dhaxeysa wasaaradda iyo hay’adaha maxalliga ah. Wuxuu sheegay in furitaanka kalfadhiga Goleyaasha deegaanka ay fure u yihiin Dimuqraadiyeynta Puntland, isla markaana ay muhiim tahay in looga doodo waxqabadka qabsoomay iyo qorsheyaasha hortabinta leh ee Degmada u qorshaysan. “Degmo walba waxay leedahay door muhiim ah oo ay kaga qeyb qaadaneyso horumarinta nidaamka dowladeed iyo xaqiijinta adeeg hufan oo lagu gaarsiiyo shacabka. Waa waajib in si wadajir ah loo dardargeliyo howlaha horyaalla,” ayuu yiri Wasiir Kuxigeenku. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

FB IMG 1748543615835
nugaal

WASIIRKA OO MAGACAABAY XOGHAYAHA DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA BOSAASO.

Garowe: May 29, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Abdi Farah Juxa wuxuu Xoghaya Dowladda Hoose ee Degmada Bosaaso u magacaabay Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Kawte). Sidaa darteed, waxaa la farayaa maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Bosaaso iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Bari in la fuliyo dhaqan gelinta magacaabidda Xoghayaha Cusub.     ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎   XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

FB IMG 1748543394598
nugaal

Dongorayo: May 2025: Kulan Dhexmaray Dhalinyarada iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Dongorayo, Waxaa maanta Degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal lagu qabtay kulan muhiim ah oo u dhexeeyey dhalinyarada Degmada iyo xildhibaanada Golaha deegaanka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland, oo kaashanaysa Hay’adda KAALO, ayaa lagu gorfeeyey Sidii dhalinyaradu wax uga ogaan lahaayeen, sida Dowladda hoose u shaqayso, doorka xildhibaanada iyo adeegyada ay u idman tahay Dowladda hoose inay fuliso.   Intii uu kulanku socday, xildhibaanada Golaha deegaanka ayaa dhalinyarada la wadaagay warbixin ku saabsan hawlahooda iyo waxqabadka ay ka fuliyeen degmada. Dhalinyaraduna waxay soo bandhigeen su’aalo iyo talooyin la xiriira baahiyahooda, sida helitaanka waxbarasho tayo leh, iskuullo farsamo-gacmeed, horumarinta Ciyaaraha iyo ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasada iyo maamulk a.

FB IMG 1748543253693
Arrimaha Gudaha DPL.

TACSI

ALLAAH HA U NAXARIISTO GEN MAXAMED SICIID XIRSI MORGAN.   Garowe: May 28, 2025:Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee General Maxamed Siciid Xersi (Moorgan)   “Alle ha u naxariisto General Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo goor dhow ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, General Morgan wuxuu taariikh dheer ku lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, wuxuu la taliye amni haddeer u ahaa Puntland oo uu qayb weyn ka ahaa dagaalka lagula jiro argagixisada D×cish.   Samir iyo iimaan buuxa alle haka siiyo dhammaan qoyska, ehelka iyo ummadda Soomaaliye

FB IMG 1748542550457
Arrimaha Gudaha DPL., nugaal

Garoowe May 25, 2025: ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor oo ku guda jira kormeerka guud ee xarumaha hay’adaha Dawladda ayaa maanta booqasho ku yimi xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Abdi Farah Juxa, Wasiir ku-xigeenka Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah iyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku soo dhaweeyey xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.   Intii uu socday kormeerka, Madaxweyne Ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dawladda Puntland waxaa Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan shaqooyinka ay Wasaaraddu u idmantahay la wadaagay madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha.   Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa sidoo kale la wadaagay xog ku saabsan caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray hawlaha socda, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay u adeegidda shacabka si daahfuran oo waxtar leh.   Intaas kadib, Madaxweyne Ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa la kulmay shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL isaga oo ku dhiirigeliyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay Dalka iyo Dadka u hayaan.

499729555 1122168549954519 274432439483591526 n
nugaal

Garowe: May 19, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Mudane Abdi Farah Juxa ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha Qaramada Midoobey ee dhowrista Xuquuqul Aadanaha xiliyada lagu jiro la dagaalanka Argagixisada Mr. Ben Saul.

Kulanka ayaa looga hadlay dhowrista Xuquuqul Iinsaanka xiliyada lagu jiro xaaladaha la dagaalanka Argagixisada, saameynta xasilooni darada siyaasadeed ku yeelan karto Xuquuqul Iinsaanka gaar ahaan xaalladda Siyaasadeed ee Soomaaliya wajahayso xiligan. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa ergayga warbaahin ka siiyey xaaladda qaxootiga iyo magalya-doonka ku nool Puntland, sida loola shaqmo iyo siyaadda Dawladda Puntland ee ilaalinta xuquuqda aadanaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top