Dongorayo: May 2025: Kulan Dhexmaray Dhalinyarada iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Dongorayo, Waxaa maanta Degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal lagu qabtay kulan muhiim ah oo u dhexeeyey dhalinyarada Degmada iyo xildhibaanada Golaha deegaanka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland, oo kaashanaysa Hay’adda KAALO, ayaa lagu gorfeeyey Sidii dhalinyaradu wax uga ogaan lahaayeen, sida Dowladda hoose u shaqayso, doorka xildhibaanada iyo adeegyada ay u idman tahay Dowladda hoose inay fuliso.

 

Intii uu kulanku socday, xildhibaanada Golaha deegaanka ayaa dhalinyarada la wadaagay warbixin ku saabsan hawlahooda iyo waxqabadka ay ka fuliyeen degmada. Dhalinyaraduna waxay soo bandhigeen su’aalo iyo talooyin la xiriira baahiyahooda, sida helitaanka waxbarasho tayo leh, iskuullo farsamo-gacmeed, horumarinta Ciyaaraha iyo ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasada iyo maamulk

a.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top