TACSI

ALLAAH HA U NAXARIISTO GEN MAXAMED SICIID XIRSI MORGAN.

 

Garowe: May 28, 2025:Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee General Maxamed Siciid Xersi (Moorgan)

 

“Alle ha u naxariisto General Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo goor dhow ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, General Morgan wuxuu taariikh dheer ku lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, wuxuu la taliye amni haddeer u ahaa Puntland oo uu qayb weyn ka ahaa dagaalka lagula jiro argagixisada D×cish.

 

Samir iyo iimaan buuxa alle haka siiyo dhammaan qoyska, ehelka iyo ummadda Soomaaliye

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top