Madaxda Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Abdi Farah Juxa, Wasiir ku-xigeenka Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah iyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku soo dhaweeyey xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Intii uu socday kormeerka, Madaxweyne Ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dawladda Puntland waxaa Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan shaqooyinka ay Wasaaraddu u idmantahay la wadaagay madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa sidoo kale la wadaagay xog ku saabsan caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray hawlaha socda, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay u adeegidda shacabka si daahfuran oo waxtar leh.
Intaas kadib, Madaxweyne Ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa la kulmay shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL isaga oo ku dhiirigeliyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay Dalka iyo Dadka u hayaan.








