haylaan

511308133 1147122770792430 2449729946791377740 n 1
haylaan

BURAAN 21 JUNE 2025 – Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Yusuf Maxamed Wacays Dhado oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Kalfadhiyada 3-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Buraan ee Gobolka Haylaan.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Buraan Ismaaciil cabdi Gurey ayaa khudbadiisa rasmiga ku daahfuray agenjadaha shirka iyo waxbadkii Golaha intii labadaba kalfadhiga u dhaxaysay. Munaasabadda furitaanka kalfadhiga ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Puntland, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Haylaan maamulka degmada Buraan, saraakiil ciidan, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kalfadhigan 3-aad ee Golaha Deegaanka Buraan ayaa ah mid muhiim u ah dardargelinta hannaanka dowlad-dhisidda ee heer degmo, gaar ahaan xoojinta dimuqraadiyeynta, ka-qaybgalka bulshada iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga ah ee ay degmadu u baahan tahay. Wasiir doowlaha oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Buraan ayaa ku bogaadiyey Golaha Deegaanka sida ay uga go’an tahay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isagoo xusay in dowladdu ay garab taagan tahay dadaallada lagu horumarinayo Degmada. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay marwalba xoojinaysaa in Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee shacabku soo doortay in ay dadka ugu adeegaan si hufan, waxtar leh, kuna dhisan kalsoonida dadweynaha soo doortay, waxaana lagu kormeeri doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta waajibaadka shaqo ee fulinta. Ugu dambeyntii Wasiir doowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL wuxuu bogaadiyey Maamulka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Buraan, wuxuuna kula dardarmaay in ay xoojiyaan isku duubnaanta, hufnaanta shaqo iyo in ay xalintaas khilaafaadka gudahooda ah iyo u aaddgidda bulshada si wada jir ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

511308133 1147122770792430 2449729946791377740 n
haylaan

BURAAN 21 JUNE 2025 : Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Yuusuf Mohamed Wacays Dhado oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri , ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay degmada Buraan ee gobolka Haylaan.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Buraan, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Guddoomiyaha degmada Buraan Mudane Ismaaciil Cabdi Gurey, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Haylaan Mudane Fuaad Maxamed Muuse, iyo Taliyaha Saldhigga Booliska ee degmada Buraan G/sare Siciid Shalmad. Intii uu socday socdaalka, Wasiir Dowlaha iyo wafdigiisa waxay kormeer ku tageen xarumo muhiim ah oo ku yaalla deegaanka, waxayna la yeesheen kulammo wadatashi iyo xog-is-weydaarsi ah madaxda deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Mas’uuliyiintu waxay ka qeyb geli doonaan furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka ee Buraan, oo ah mid muhiim u ah xoojinta ka qaybgalka shacabka iyo kobcinta maamulka hoose, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay sii wadi doontaa howlaheeda ku aaddan xoojinta dowlad-dhiska, kor u qaadista tayada adeegyada degmooyinka, iyo hirgelinta maamul daadejin ku saleysan sharciga iyo hufnaanta. ▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top