Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa bulshada Gaalkacyo ugu baaqay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wadajirka si loo ilaaliyo deganaanshaha Gobolka, iyagoo ballanqaaday inay ka shaqeynayaan xal waara oo lagu nabadeynayo deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo Saxaafadda la hadlay ayaa si adag u cambaareeyey wixii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna caddeeyey in ciddii falkaas ka dambaysay aysan cidna ku matalin sharcigana la horgeyn doono waqtigeeda.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.










I.a ilahy nabad ha dhex dhigo dadkaas walaalaha ah