Waxaa masuuliyiinta Wasaaradda ku soo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bosaaso Bashiir Faarax Siciid oo uu weheliyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Bosaaso Mudane Ismaciil Cali Jaamac.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee Dowladda Hoose iyaga oo u kuurgalay xaaladda shaqo shaqaale ee Degmada waxaana dhammaan Xafiisyada shaqada ka socota soo marsiiyey Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Bosaaso.
Ugu dambeyntii Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Xoghayaha Wasaaradda ayaa kulan Xafiiska Guddoomiye ku xigeenka kula kulmay Guddoomiye ku xigeenka, Xoghayaha Dawladda Hoose iyo qayb ka mid ah xubnaha Golaha Deegaanka Degmada, kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray Xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Dawladda Hoose iyo laamaha kale ee Dawladda Puntland.