Uncategorized

519578726 1166662138838493 2316895150437709776 n
nugaal, Uncategorized

𝗖𝗔𝗠𝗕𝗔𝗔𝗥𝗔𝗬𝗡:

Garowe: July 15, 2025: Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dawladda Federaalka ah oo maalmahan Gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex wadda “Hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan”. Waxaan kaloo, sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda XSM in ay galabta Maleeshiyaad hubaysan oo ay soo abaabushay ay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed, taas oo keentay dhimasho nafeed iyo Dhaawac. Falkaan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Dawladda Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS ee buuraha CALMIDKAAD iyo CALMADOW, wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo. Waxaa nasiib darro ah in Xukuumadda XSM oo ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday inay iyadoo isticmaalaysa deeqihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu talo galay ay qori dab leh kula dhex wareegto Gobollada Puntland ee nabadda ah, una soo jeensato wax dumin keli ah. Waxaan ka tacsiyeynaa Dadkii ku dhintay dhacdadii galabta ka dhacday Degmada Dhahar, ilaahay ha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna alle ha u booga dhayo. Ugu dambayntii waxaan ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland inay gacmaha isqabsadaan, midnimadooda iyo wadajirkoodana ilaaliyaan. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

Uncategorized

Ufeyn: June 11, 2025: Waxaa maanta si rasmi ah Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari looga daahfuray Kalfadhiyada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dawladda Puntland.

Furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bari iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Bari. Sidoo kale, waxaa ka soo qaybgalay Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Siyaasiin, Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Degmada Ufeyn, Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Ufeyn iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada. Golaha Deegaanka Degmada Ufeyn oo horseed u ah biilowga Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa inta kalfadhigu socda ka doodi doona ajandaha rasmi ah ee ay diyaarsadeen, kaas oo ku dhisan baahiyaha asaasiga ee ku xeeran si guud Degmada Ufeyn iyo deegaanada hoostaga kuwaas oo ku salaysan isla xisaabtanka iyo soo bandhigidda warbixinta waxqabadkii qorshaysanaa muddadii labada kalfadhi u dhaxaysay iyo guda gelidda kuwa qorshaysan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay marwalba xoojinaysaa in Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee shacabku soo doortay ay dadka ugu adeegaan si hufan, waxtar leh, kuna dhisan kalsoonida dadweynaha soo doortay, waxaana lagu kormeeri doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta waajibaadka shaqo ee fulinta. Ugu dambeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL waxay ku bogaadinaysaa Maamulka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Ufeyn, sida ay isugu duubanyihiin, una xalistaan khilaafaadka gudahooda iyo u aaddgidda bulshada si wada jir ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Uncategorized

Ceelbuuh: April 12, 2025: Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa gaaray magaalada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag.

Waftiga Dawladda Puntland ee gaaray Ceelbuuh ayaa koobnaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-TA Mudane Ahmed Maxamuud Ahmed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdirakiin Maxamed Xasan. Masuuliyiinta ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Ceelbuuh Guddoomiyaasha Gobolada Sanaag iyo Haylaan, Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo laamaha amaanka. Ujeeddadka safarkaan ayaa daaran xoojinta nabadda iyo ka qaybgalka furitaanka shirka nabadeynta beelaha Walaalaha ah ee dhawaan dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Dooxada Dureera ee Gobolka Sanaag. Waftiga Dawladda ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Ceelbuuh waxay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, kulamadaas oo lagu xoojinayo nabadda, horumarka iyo isdhex-galka bulshada Gobolka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471704513 1015648980606477 8423429490191753082 n
nugaal, Uncategorized

Garoowe 31 Dec 2024

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa furay shir lagu soo bandhigayey istaraatiijiyada is dhexgalka Barakacayaasha iyo dadka deegaanka ( local Integration Strategy ) Shirkaan waxaa aad loogu faahfaahiyey sidii Barakacayaashu u dhexgelilahaayeen bulshada ay la nool yihiin oo ay ka qeybqaadan lahaayeen shaqooyinka , doorashooyinka iyo horumarka kale ee ka socda deegaanka ay ku nool yihiin . Waxaa kaloo aad looga hadlay sidii barakacayaasha looga qeybgelin lahaa barnaamijka Xalka Waara oo ah barnaamij hormarinaya nolasha dadka barakacayaasha ah kaasoo u ogolaanaya iney helaan dhul ay iyagu iska leeyihiin Guryana looga dhisi karo .

464038926 964730675698308 7395914616072644275 n
Arrimaha Gudaha DPL., Uncategorized

TABABARKA SHAQAALAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Garowe: October 21, 2024: Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland oo qaatay Tababar ku saabsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland. Tababarkaan oo ay bixinayeen masuuliyiin ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland, ayaa Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa si fiican loo baray Cutubyada kala duwan ee wax-kabadalka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland, kaas oo waxkabadalkii u dambeeyey lagu sameeyey December 2022. Madaxa Shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Abshir Hassan Mohamed oo soo dhaweeyey hawl-wadeenadii tababarka bixinayey ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada sida ay uga go’antay in shaqaalaha Dowladda lagu tababaro xeerarka kala duwan ee Hay’adaha Dowladda. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri oo dedaal badan geliyey in la taabo geliyo Tababarka iyo tayada Shaqaalaha iyo hawl-wadeenada kale ee Wasaaradda, ayaa markasta waxaa ka go’an in la helo shaqaale tayo leh kuna filan shaqooyinka Wasaaradda ka socda ee ay u idmanyihiin.

Scroll to Top