Ufeyn: June 11, 2025: Waxaa maanta si rasmi ah Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari looga daahfuray Kalfadhiyada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dawladda Puntland.

Furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bari iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Bari. Sidoo kale, waxaa ka soo qaybgalay Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Siyaasiin, Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Degmada Ufeyn, Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Ufeyn iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada.
Golaha Deegaanka Degmada Ufeyn oo horseed u ah biilowga Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa inta kalfadhigu socda ka doodi doona ajandaha rasmi ah ee ay diyaarsadeen, kaas oo ku dhisan baahiyaha asaasiga ee ku xeeran si guud Degmada Ufeyn iyo deegaanada hoostaga kuwaas oo ku salaysan isla xisaabtanka iyo soo bandhigidda warbixinta waxqabadkii qorshaysanaa muddadii labada kalfadhi u dhaxaysay iyo guda gelidda kuwa qorshaysan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay marwalba xoojinaysaa in Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee shacabku soo doortay ay dadka ugu adeegaan si hufan, waxtar leh, kuna dhisan kalsoonida dadweynaha soo doortay, waxaana lagu kormeeri doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta waajibaadka shaqo ee fulinta.
Ugu dambeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL waxay ku bogaadinaysaa Maamulka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Ufeyn, sida ay isugu duubanyihiin, una xalistaan khilaafaadka gudahooda iyo u aaddgidda bulshada si wada jir ah.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top