Author name: Eng Mohamett Mohamoutt

839960840 1551540387017331 3173722197170768789 n
sanaag

BADHAN, 10 OKTOOBAR 2026: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Hon. Abdi Hirsi Ali – Qarjab, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri, ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee degmada Badhan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga gogosha nabadeed ee loo muddeeyey 45-ka maalmood, caqabadaha soo noqnoqda ee dib u soo celiya colaadaha iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda, wadajirka bulshada iyo amniga degmada. Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka odayaasha dhaqanka, lana helo xal waara oo lagu soo afjaro colaadaha, laguna xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda degmada Badhan. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

548165510 1217703197067720 2059351012043182096 n
mudug

XAFLADA XIL-WAREEJINTA GUDDOOMIYAHA CUSUB EE DEGMADA GAALKACYO.

Gaalkacyo: September 16, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa xilka u kala wareejiyay Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo iyo ku Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo. Munaasabadda xilwareejinta Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo Mudane Xuseen CabdinuurMaxamed(Dambalaas) waxaa ka qaybgalay Ks Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Abshir Hassan Mohamed, la taliyaha Madaxweynaha, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Gobolka Mudug, Xoghayaha Dawladda Hoose iyo xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo. Guud ahaan Madaxda iyo marti sharaftii madasha ka hadashay ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Gaalkacyo kula dardaarmay in uu dadka iyo Degmada ugu shaqeeyo si hufan oo daacadnimo ah. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax ayaa ugu dambeyntii soo xiray madasha xilwareejinta, waxaana uu kula dardarmaay Guddoomiyaha cusub iyo Golaha Deegaanka Degmada in lagu wada shaqeeyo si hufan oo is ixtiraam iyo daacadnimo ku jirto si loo gaaro yoolasha horumarinta Degmada iyo adeegyada bulshada. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

547749573 1216176987220341 5540984499216396845 n
mudug

Gaalkacyo: September 14, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa maanta Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku qabatay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Degmada Gaalkacyo iyadoo Golaha Deegaanka degmadu ay si xor ah oo dimuqraadi ah ugu codeeyeen Gudoomiyaha cusub.

Waxaa munaasabada doorashada Guddoomiyaha goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland, Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah , Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed, Iskuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug Cabdifitaax Samatar Ciise, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Galmudug ee Gobolka Mudug iyo Duqa Degmada Gaalkacyo dhinaca Galmudug, Golaha garsoorka, laamaha amaanka, Guddoomiye ku xigeenka Degmada, Guddoomiyihii hore ee Degmada Gaalkacyo, Xubnaha Golaha Deegaanka, Xoghayaha Dawladda Hoose, shaqaalaha kala duwan ee Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Gaalkacyo. Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo waxaa isu soo taagay 3 musharax Musharax kuwaas oo wareegga 1-aad kala helay codad:- 1. Xuseen Cabdi Maxamed (Danbalaas) 17 Cod. 2. Cabdiraxmaan Axmed Daahir. 8 Cod. 3. Bashiir Cabdicasis Warsame 7 Cod. ugu dambeyntii Doorashada oo la galay labo wareeg ayaa waxaa Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo ku guulaystay Mudane Xuseen Cabdinuur Maxamed (Dambalaas) wuxuun helay 21 cod. Halka musharax kaalinta labaad Mudane Cabdiraxmaan Axmed Daahir uu wareegga 2-aad helay 11 Cod. Waxaa Natiijada Rasmiga ah ee doorashada Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, intaas kadib waxaa la guda galay daarinta Guddoomiyaha cusub. Doorashadan ayaa ku dhacday jawi nabdoon, hufan sido kalena Hannaanka doorashada ayaa ahaa mid si xor ah, xalaal ah oo hufan taasoo muujinaysa kalsoonida bulshada iyo horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Dawladda Puntland. Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa si weyn u bogaadiyay doorkii uu qabtay Guddoomiyihii hore, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Warsame, gaar ahaan horumarka, nabadgelyada, iyo adeegsiga maamulka wanaagsan ee uu muujiyay muddadii uu xilka hayay. Sidoo kale, waxay ammaan u jeediyeen Golaha Deegaanka degmada Boosaso oo ku dhaqmay habraac dimuqraadi ah oo hufan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland waxay mar walba garab taagan tahay Dawladaha hoose, waxayna dhiirrigelisaa in Guddoomiyaha cusub uu sii xoojiyo wada-shaqeynta bulshada, Hay’adda kala duwan Dawladda, daahfurnaanta, iyo adeegyada muhiimka ah ee Degmada Gaalkacyo u baahantahay in laga qabto in ka dhiman muddo xileedka Golaha Deegaanka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

FB IMG 1756227913564
Bari

Bosaaso: August 26, 2025: Aggaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa maanta ka qayb-galay shirkii hay’addaha UN ah iyo Dawlada Puntland ee ka qabsoomay magaalada Bosaaso.

Shirkaan oo u jeeddadiisu ahayd in la iska-kaashado sidii wada-jir wax looga qaban lahaa in dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamamka magaalada Bosaaso ay u heli lahaayeen daryeel, deegaan iyo in si buuxda looga saaro nolasha barakacenimo ee ay u helilahaayeen hoy iyo dhul ay iyaga leeyihiin.   Hay’adaha caalamiga ah ee ka qaybgalay shirka ayaa Dawladda Puntland ku amaanay sida ay u maaraynayso barmaamijka xalka waara iyo dib u dajinta bulshada ka soo barkacday dagaaladii calmiskaad, kuwaas oo Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL aya tababaro iyo samayn guddiyo kala duwan ay ka samaysay Degmooyinka Gobolka Bari ee uu saameeyey dagaalka Cal-miskaad.   Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cali Faarax ayaa hay’adaha caalamiga ah uga mahadceliyay sida ay taageerada iyo garab-istaagga ugu muujiyeen Dawladda Puntland iyo shacabkeeda oo ku jira hawlgalka ciribtirka argagixisada ee buuraha Cal-miskaad iyo u diyaar garowga wejiga 2-aad ee Buuraha Calmadow.   ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎   XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

526635198 1180689170769123 1413369620578316195 n
mudug

Jariiban: August 02, 2025

K/S Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Abshir Hassan Mohamed oo kormeer shaqo ku jooga Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Degmada Cabdishakuur Maxamed Faarax, Agaasimayasha Waaxyaha Dawladda Hoose iyo shaqaalaha ka shaqaynayey diiwaangalinta caruurta ka yar shanta sano ee Degmada Jariiban. Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlgal ballaaran oo lagu dardargelinayo diiwaangalinta carruurta ka yar shanta sano, taas oo hadda si habsami leh uga socota dhammaan deegaanada hoos taga Degmada Jariiban. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, oo kaashanaysa hay’adda UNICEF iyo Maamulka Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug, ayaa xoojineysa dadaallada lagu hubinayo in la helo xog sugan oo dhammaystiran oo ku saabsan tirada iyo xaaladda carruurta ka yar shanta sano. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

525723908 1180054320832608 4029238279480278839 n
mudug

Garacad: August 01, 2025: K/S Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Abshir Hassan Mohamed oo kormeer shaqo ku jooga Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa ayaa booqday Center-ka Degsiimada garacad lagu diiwaangaliyo caruurta ka yar shanta sano.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlgal ballaaran oo lagu dardargelinayo diiwaangalinta carruurta ka yar shanta sano, taas oo hadda si habsami leh uga socota dhammaan deegaanada hoos taga Degmada Jariiban. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, oo kaashanaysa hay’adda UNICEF iyo Maamulka Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug, ayaa xoojineysa dadaallada lagu hubinayo in la helo xog sugan oo dhammaystiran oo ku saabsan tirada iyo xaaladda carruurta ka yar shanta sano. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

526889940 1180037370834303 5279793044812543559 n
Arrimaha Gudaha DPL.

HAMBALYO

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa shacabka Reer Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 27-aad ee sanad guurada ka soo wareegtay asaaskii Dawladda Puntland ee 1-da Agoosto 2025.

504377276 1166739075497466 8331844101157102279 n 1
mudug, nugaal

𝗖𝗢𝗡𝗗𝗘𝗠𝗡𝗔𝗧𝗜𝗢𝗡.

𝗚𝗮𝗿𝗼𝘄𝗲: 𝗝𝘂𝗹𝘆 𝟭𝟱, 𝟮𝟬𝟮𝟱: We strongly condemn the Federal Government, which in recent days has been stirring up conflict, inciting communities, and destabilizing the peaceful regions of Puntland. We also unequivocally condemn the XSM administration for organizing and deploying armed militias this afternoon, which sparked violent clashes in Dhahar District, Haylaan Region, resulting in the tragic loss of life. This heinous act is a blatant attempt to undermine Puntland’s legitimate struggle against international terrorism, namely ISIS and AlShabaab, in the Calmidhkaad and Calmadow mountains. It is an act for which the Federal Government must be held accountable. It is deeply regrettable that the HSM administration—having failed in all its mandated responsibilities—has now turned to roam the peaceful regions of Puntland with weapons in hand, using international aid intended for Somalia to sow the seeds of disunity and destruction. We express our condolences for the loss of life and property resulting from today’s fighting and call on the people of Puntland to strengthen their peace and unity. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎

519578726 1166662138838493 2316895150437709776 n
nugaal, Uncategorized

𝗖𝗔𝗠𝗕𝗔𝗔𝗥𝗔𝗬𝗡:

Garowe: July 15, 2025: Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dawladda Federaalka ah oo maalmahan Gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex wadda “Hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan”. Waxaan kaloo, sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda XSM in ay galabta Maleeshiyaad hubaysan oo ay soo abaabushay ay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed, taas oo keentay dhimasho nafeed iyo Dhaawac. Falkaan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Dawladda Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS ee buuraha CALMIDKAAD iyo CALMADOW, wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo. Waxaa nasiib darro ah in Xukuumadda XSM oo ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday inay iyadoo isticmaalaysa deeqihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu talo galay ay qori dab leh kula dhex wareegto Gobollada Puntland ee nabadda ah, una soo jeensato wax dumin keli ah. Waxaan ka tacsiyeynaa Dadkii ku dhintay dhacdadii galabta ka dhacday Degmada Dhahar, ilaahay ha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna alle ha u booga dhayo. Ugu dambayntii waxaan ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland inay gacmaha isqabsadaan, midnimadooda iyo wadajirkoodana ilaaliyaan. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

Scroll to Top