Author name: Eng Mohamett Mohamoutt

FB IMG 1732133290459
Daryeelka Bulshada

Bosaaso: October 28, 2024: Waaxda Daryeelka Bulshada ( Human Protection Department ) ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ku qabatay tababar ku saabsan khatarta ay leedahay tahriibka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara qulqulka faraha badan ee muhaajiriintu ku hayaan deegaanada ay ku soo haajireen .

Sanadkasta Dad aad u fara badan ayaa ku waxyeelooba Badaha, iyagoo raxan raxan u socda, kuwaa soo qaarkood aysan gaarin meeshii ay u socdeen. Tahriibka waxaa lagu qeexaa aafo bani’aadam.   Tababarka waxaa lagu baranayey sida loo yareyn karo qulqulka muhaajiriinta, Muhaajiriinta isku dhafan ( Mixed Migration ) mararka qaarkood waxay lugeeyaan kiiloomitro aad u badan, waxaa dhacda in kuwa ka mid ah dadkaas ay jidadka ugu dhintaan gaajo, oon iyo caafimaad daro.   Tababarka waxaa furay Mayor ku xigeenka degmada Boosaaso Mudane Bashiir Faarax Siciid oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada Mudane Beexaani Axmed Barre , waxaa kaloo ka soo qeybgalay Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee gobolka Bari, Agaasimaha arrimaha bulshada ee dowladda hoose ee Boosaaso iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Waaxda Daryeelka Bulshada .   —DHAMMAAD—   XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUD AHA DPL.

FB IMG 1732035258045 1
Arrimaha Gudaha DPL.

WASIIRKA OO QAABILAY WAFTI SARE OO KA SOCDA HAY’ADDA UNDP.

Garowe: 19 November 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya Mr Christopher Laker iyo Wafti uu hoogaaminayo.   Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta mashaariicda UNDP ka fuliso Puntland, dardargelinta qorsheyaasha socda iyo xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee UNDP iyo Puntland iyo qaabka uu noqon doona mashruuca cusub ee Dowlad-kaab.   Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa waftiga la wadaagtay xog ku saabsan guulaha laga gaaray mashruucii dhammaaday ee JPLG iyo iyo barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland ee laga qabtay 36 Degmo, waxaana soo jeediyey Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Mudane Maxamed Maxamuud Cali Goojacade.   —DHAMMAAD—   XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

wasiirka
Arrimaha Gudaha DPL.

WASIIRKA OO MAANTA HORTAGAY GOLAHA WAKIILADDA DOWLADDA PUNTLAND.

Garowe: Nofembar 17, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta hortagay fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada ee oo ku saabsanaa la xisaabtanka Xukuumadda. Fadhiga oo looga gol lahaa la xisaabtanka Xukuumadda ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeri, Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Maxamed Maxamuud Cali Goojacade, Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada Beexaani Axmed Barre iyo Xoghayaha Wasaaradda Abshir Xasan Maxamed. Xildhibaannada Golaha ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka, Arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland, Xuduudaha, Khilaafadka Beelaha, Tirada Xildhibaannada Goleyaasha deeganka, iyagoo dalbaday in la caddeeyo tallaabooyinka laga qaaday xal u helidda arrimahaasi. Waxa kale oo laga hadlay sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha xasillinta iyo horumarinta dalka. Arrimaha dimuqraadiyeynta sidii loo dar-dargelin lahaa, wax ka baddelka xeerarka doorashooyinka iyo Wax-ka-baddelka xeer ka mideynta cashuuraha Puntland. Sidoo kale, xaaladda dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan gudaha Puntland ayaa ahayd mowduuc muhiim ah oo laga hadlay. Xildhibaannadu waxay weydiiyeen Wasiirka istaraatiijiyadda Wasaaradda ee ku aaddan caawinta dadka nugul, iyadoo laga dalbaday in gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah loo fidiyo. Golaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda nabadeynta deegaannada ay colaaduha soo laa laabta sidii wax looga qaban lahaa. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top