Bosaaso: October 28, 2024: Waaxda Daryeelka Bulshada ( Human Protection Department ) ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ku qabatay tababar ku saabsan khatarta ay leedahay tahriibka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara qulqulka faraha badan ee muhaajiriintu ku hayaan deegaanada ay ku soo haajireen .

Sanadkasta Dad aad u fara badan ayaa ku waxyeelooba Badaha, iyagoo raxan raxan u socda, kuwaa soo qaarkood aysan gaarin meeshii ay u socdeen. Tahriibka waxaa lagu qeexaa aafo bani’aadam.

 

Tababarka waxaa lagu baranayey sida loo yareyn karo qulqulka muhaajiriinta, Muhaajiriinta isku dhafan ( Mixed Migration ) mararka qaarkood waxay lugeeyaan kiiloomitro aad u badan, waxaa dhacda in kuwa ka mid ah dadkaas ay jidadka ugu dhintaan gaajo, oon iyo caafimaad daro.

 

Tababarka waxaa furay Mayor ku xigeenka degmada Boosaaso Mudane Bashiir Faarax Siciid oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada Mudane Beexaani Axmed Barre , waxaa kaloo ka soo qeybgalay Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee gobolka Bari, Agaasimaha arrimaha bulshada ee dowladda hoose ee Boosaaso iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Waaxda Daryeelka Bulshada .

 

—DHAMMAAD—

 

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUD

AHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top