XAFLADA XIL-WAREEJINTA GUDDOOMIYAHA CUSUB EE DEGMADA GAALKACYO.
Gaalkacyo: September 16, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa xilka u kala wareejiyay Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo iyo ku Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo. Munaasabadda xilwareejinta Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo Mudane Xuseen CabdinuurMaxamed(Dambalaas) waxaa ka qaybgalay Ks Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Abshir Hassan Mohamed, la taliyaha Madaxweynaha, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Gobolka Mudug, Xoghayaha Dawladda Hoose iyo xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo. Guud ahaan Madaxda iyo marti sharaftii madasha ka hadashay ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Gaalkacyo kula dardaarmay in uu dadka iyo Degmada ugu shaqeeyo si hufan oo daacadnimo ah. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax ayaa ugu dambeyntii soo xiray madasha xilwareejinta, waxaana uu kula dardarmaay Guddoomiyaha cusub iyo Golaha Deegaanka Degmada in lagu wada shaqeeyo si hufan oo is ixtiraam iyo daacadnimo ku jirto si loo gaaro yoolasha horumarinta Degmada iyo adeegyada bulshada. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.









