Bursaalax: May 11, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dawladda Puntland ayaa soo qaban qaabisay kullamo loogu gogol xaarayo barnaamijka Xalka Waara ( Durable Solution ) oo laga hirgelinayo Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Kullamadaas waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin
ka socotay Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , isuduwaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Gobolka Mudug.
Ugu horayn waxaa kulanka daah furay
Guddoomiyaha Degmada Bursaalax Maxamed Cabdullaahi Khaliif iyo ku xigeenkiisa, waxayna ka warbixiyeen xaaladda degmada iyaga oo soo dhoweeyey hadalka musuuliyintii ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo iyaguna kawarbixiyey ujeedada kormeerkooda iyagoo sheegay in Wasaaraddu Arrimaha Gudaha siyaasad ka leedahay barakacnimada joogtada noqotay, yaraynta kaamamka , yaacsanaanta kaamamka iyo in hal meel la isugu geeyo kaamamka si loo buuxiyo adeegyada asaasiga ah loona guuro Xalka waara.
Ugu danbayn waxaa la isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta bah-wadaagta barnaamijka xalka waara (Durable Solution) ee degmada Bursaalax.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top