Shirkaan ku saabsanaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Dawladda Hoose ee Degmada Garowe iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Gobol ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka heer Gobol, iyo Maamulka Degmada Garowe. Shirkan oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa ujeeddadiisu ahayd in si qoto dheer looga doodo, loogana heshiiyo sidii loo hagaajin lahaa wadashaqaynta dhinacyadan iyo maamul-baahinta adeegyada caafimaadka asaasiga ah ee Degmada Garowe ee Caasumadda Dawladda Puntland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Cali Faarax ayaa carrabka ku adkeeyay in arrinta ugu weyn ee ay arkaan ay tahay isku-dulsaarid shaqo (overlapping roles) oo ka dhex jirta Degmada iyo Wasaaradda marka ay timaaddo taageerada xarumaha caafimaadka. Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ayaa l xusay in heshiiskii wareejinta maamul-baahinta uu si cad u qeexay doorka Degmada, isla markaana ay muhiim tahay in si buuxda loo fuliyo. Dhinaciisa, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garowe wuxuu shirka la wadaagay tallaabooyinkii ay qaadeen tan iyo markii lagu wareejiyay shan xarun caafimaad oo asaasi ah, Waxaana uu sheegay inay kormeereen xarumaha, gaarsiiyeen dawooyin, isla markaana ay wax ka qabteen baahiyo asaasi ah sida korontada iyo nadaafadda. Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu soo bandhigay iskaashi ay la yeesheen hay’adda fulinaysa mashruuca Damal Caafimaad oo gacan ka geysta dayactirka iyo bixinta dawooyinka xarumaha caafimaadka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa tilmaamay in heshiiska Damal Caafimaad ee Degmadu ay gashay aanu soo marin Wasaaradda, taasoo keentay xoogaa isfaham la’aan ah. Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu lafa guray arrimaha shaqaalaha xarumaha caafimaadka, kuwaas oo mushaharkooda horay uga qaadan jiray Mashruuca Damal Caafimaad, Wasaaradda Caafimaadka ayaa hadda qorshaynaysa inay mas’uuliyadda mushaharka shaqaalaha u wareejiso Degmada. Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Nugaal ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada adeegyada caafimaadka, Waxaana uu qiray inuu jiro xoogaa faham la’aan ah oo ka dhalatay filashooyinkii Degmada ee ku saabsanaa mashaariicda, balse waxa uu ballan qaaday inay ka shaqayn doonaan sidii loo qareemi lahaa dhammaan xarumaha caafimaadka, isla markaana loo raadin lahaa mashaariic cusub. Gebogebadii shirka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha wuxuu si adag ugu booriyay Guddoomiyaha Degmada iyo Golaha Deegaanka inay xoogga saaraan wada-shaqaynta dhabta ah ee ka dhaxaysa gobolka iyo degmada. Waxa uu intaa ku daray in wada-shaqayntaasi ay tahay furaha lagu xallin karo khilaafaadyada jira, laguna hagaajin karo adeegyada bulshada. Shirkan ayaa calaamad u ah dedaallada joogtada ah ee lagu doonayo in lagu wanaajiyo adeegyada caafimaadka ee Garowe iyo in si hufan loo hirgeliyo nidaamka maamul-baahinta ee dalka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.