Arrimaha Gudaha DPL.

475759605 1036240191880689 3460670049890141269 n
Arrimaha Gudaha DPL.

𝐖𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐈𝐋𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐔𝐐𝐔𝐔𝐐𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐁𝐄𝐃-𝐐𝐀𝐁𝐊𝐀 𝐌𝐔𝐇𝐀𝐀𝐉𝐈𝐑𝐈𝐈𝐍𝐓𝐀.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, iyada oo tixtaacaysa qoraalka summaddiisu tahay 𝗫𝗪/𝗪𝗔𝗚/𝗙/𝗗/𝟬𝟬𝟲/𝟮𝟬𝟮𝟱, kuna taariikhaysan 𝗝𝗮𝗻𝘂𝗮𝗿𝘆 𝟮𝟱, 𝟮𝟬𝟮𝟱, kana soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, ujeeddadiisuna ahayd xakamaynta khataraha amni ee ajaaniibta ku nool ama sida joogtada ah usoo galaysa Puntland. Wasaaraddu, iyada oo ka duulaysa mabaadi’da sharci ee isu dheelli-tirka ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhawridda sharciyada u yaalla Puntland, waxay dadweynaha reer Puntland ugu baaqaysaa in ay mar walba si dhaw ula shaqeeyaan hay’adaha Puntland ee ku hawllan dhawridda nabad-gelyada bulshada iyo ku dhaqanka sharciga iyagoo ka waantoobaya wax walba oo xad-gudub ah ama sharciga baal-marsan in ay kula kacaan dadka aan muwaadiniinta ahayn ee Puntland ku nool. Waxaa xasuusin mudan, in Puntland ku dhisantahay sharci iyo kala dambayn ku salaysan mabaad’ida xaq-dhawridda nafta, hantida, karaamada iyo jiritaanka qof-ahaaneed ee dadka. Sidaas darteed, wasaaraddu waxay mar labaad ugu baaqaysaa dadka reer Puntland, in ay ka dheeraadaan fal walba oo sharciga baal-marsan, isla markaasna garab iyo gacan buuxda ka siiyaan hay’adaha ku shaqada leh in ay la xisaabtamaan cid walba oo bed-qabka iyo nabad-gelyada reer Puntland halis ku ah. Wasaaraddu, iyada oo kaashaynaysa bah-wadaagta kale ee Puntland, waxay ku hawllantahay in ay kala saarto dadka loo oggolyahay in ay waddanka ku joogaan sifo sharci ah iyo dadka sharci darrada ku joga Puntland si loola socdo dhaq-dhaqaaqooda ama sharciga loo waafajiyo ciddii xad-gudub la timaadda. ▪︎▪︎▪︎FULIN WACAN▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471245751 1011945017643540 8615550189268614561 n
Bari, Arrimaha Gudaha DPL.

GARAB ISTAAGGA CIIDAMADA DAWLADDA PUNTLAND.

December 26, 2024: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ku dhiirigelinaysaa shacabka Reer Puntland, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Guddoomiyaasha Gobolada in la garab istaago dhiiranayaasha Dawladda Puntland oo ku jira hawlgalka la dagaalanka Argagixisada oo ay Dawladdu go’aansatay in laga sifeeyo guud ahaan dhulka Puntland. Haddaba, Waxaa la rabaa in shacabka Reer Puntland guud ahaan ay ciidanka la garab istaagaan waxkasta oo taakulo ah. Gobolada Puntland, heer Gobol iyo Degmo waxaa la rabaa in la isa saaro masuuliyad iyo taakulo iyo mid amni. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

470234297 1009914261179949 6049395820724532864 n
Arrimaha Gudaha DPL., nugaal

Garowe: December 23, 2024: Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta xariga ka jaray xaafadda cusub ee Hawl-wadaag oo ka kooban 1,000 Guri, taas oo laga dhisay magaalada Garowe ee Caasumadda Dawladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray xaafadda qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan xarumaha bixiya adeega, Saldhiga, Dugsiga Hoose/dhexe iyo Xarunta caafimaadka ee xaafafda Hoodaalle. Madaxweynaha ayaa boggaadiyey qorshaha lagu dhisay xaafada oo ay iska kaashadeen Dowladda iyo Hay’adaha bahwadaagta la ah Dawladda Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda , Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garowe, Bulshada loo dhisay guryaha iyo Hay’adaha ah bahwadaagta la ah ee ka shaqayeeyey dhismaha guryaha xalka waara ee laga dhisay Garowe. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax oo munaasabadda ka qaybgalay ku bogaadiyey maamulka Degmada Garowe iyo Hay’adaha bahwadaagta la ah ee mashruucaan iska kaashaday shaqada wanaagsan ee ay bulshada u qabteen. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471186528 1009105064594202 8997787480665693203 n
mudug, Arrimaha Gudaha DPL.

Xarfo: December 22, 2024: Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa gaaray magaalada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Waftigaan oo uu Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid ayaa ka koobnaa Xildhibaan Yaasiin Jaamac Cumar (Taakilo), Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux), Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Shiikh Faarax, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamed Ciise Cismaan ayaa gaaray Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug oo dirir ku dhexmartay Beelo walaalo ah. Waxaa Degmada Xarfo hore ugu sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Shiikh Cali (Jifo-jabsade) iyo Isimada dhaqanka Gobolka Mudug, kuwaas oo qabtay Guddi dhex-dhexaad ah oo dejiya colaadda ka soo cusboonaatay Degmada Xarfo. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL oo ka hadlay Xaaladda Degmada Xarfo ayaa u mahadceliyey Dhammaan intii ka qaybqaadatay xabad-joojinta wuxuuna ugu baaqay Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac in nabadda la adkeeyo, xabad joojin rasmi ahna la sameeyo, ciidamadana la kala qaado iyo in la wada hadlo si loo gaaro nabadda waarta. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

470224115 1009085311262844 3667894299235981371 n
Daryeelka Bulshada, Arrimaha Gudaha DPL., Bari

Bosaaso: December 22, 2024: Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawlada Puntland Mudane Beexaani Axmed Barre ayaa ka daahfuray magaalada Bosaaso barnaamijka xog uruurinta Barakacayaasha ku nool magaalada Bosaaso.

Xog ururintaan oo laga samayn doona 20 kaam oo ku yaala magaalada Boosaaso, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawlada Puntland iyo Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471196691 1006975144807194 3074543539153434870 n
Arrimaha Gudaha DPL.

WAR-MURTIYEED.

Garowe: December 19, 2024: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa si guul ah ku soo gabo-gabeysay shir saddex maalmood socday oo ka qabsoomay magaalada Garowe, laga soo bilaabo 17-kii illaa 19-ka December 2024. Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa tababarid iyo wadaxaajood dhex-mara Wasaaradaha iyo Dowladaha Hoose ee Puntland ayaa waxaa looga wadda hadley arrimaha maamul baahinta gaar ahaan baahinta awoodda maaliyadda (Fiscal Decentralisation), Adeeg bixinta, Isla-xisaabtanka iyo Awoodsiinta Dowladaha Hoose. Qodobada ka soo baxay shirka:- 1. In la daadejiyo adeegyada asaasiga ah, lana xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Degmooyinka iyo Wasaaradaha adeegga bixiya. 2. In la xoojiyo wada shaqaynta Degmooyinka iyo Wasaaradaha Dowladda dhexe. 3. Waxaa la isla qaatay in la sameeyo Santuukha horumarinta Degmooyinka Puntland. 4. In la dardargeliyo kicinta cashuuraha heer Degmo, lana dedejiyo dhamaystirka iyo is-waafajinta shuruucda la xiriira cashuuraha Dowladaha Hoose gaarka u leeyihiin. 5. In beesha caalamka iyo dawladduba ay tix-gelin gaar ah siiyaan xoojinta mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee Degmooyinka ay doorashooyinku ka dheceen si ay u noqoto wax Soomaalidu higsato. 6. In la dhowro Deegaanka iyadoo laga waantoobayo jaridda dhirta, laynta ugaarta iyo xaalufinta halakeeyey deegaankeena. 7. In aan la magaalayn karin, lana oodan karin dhul cusub oo aan ruqsad looga haysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ciddii kale ee ay qusayso. 8. In la dedejiyo dib u eegista iyo sixidda xeerarka iyo Siyaasadaha lagu dhaqo Dowladaha Hoose ee Puntland. 9. In laga wada-shaqeeyo adkaynta amniga iyo isku-xirka Bulshada Degmooyinka Puntland. 10. Waxaa la isla qaatay in la qabto shir sanadle ah oo u dhaxeeya Degmooyinka iyo Wasaaradaha Dowladda dhexe ee Puntland, kaas oo ay soo qaban-qaabiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. 11. Ugu dambayntii shirku wuxuu u mahadcelinayaa ka soo qaybgalayaashii kala duwanaa oo ay ugu horeeyaan Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda dhexe, Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Hay’adda Kaalo. —DHAMMAAD— Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Kala xiriir wixii faahfaahin ah:-

469780754 1000621032109272 444901706297037956 n
Arrimaha Gudaha DPL., nugaal

WASIIRKA OO SOO XIRAY WAJIGA 1-AAD EE SHIRKA DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: December 10, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta soo xiray wajiga 1-aad ee shirka dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7. Shirkaa ayaa maanta waxaa diiradda lagu saaray soo bandhigidda tala-bixintii ka soo baxday qodobadii shalay laga dooday, soo jeedin, caqabadihii laga bartay Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 xiligii Doorashada Goleyaasha Deegaanka, kaas oo ay soo jeedisay Aamina oo ka socotay hay’adda PDRC. Ka doodista caqabaha ay soo jeedisay PDRC, wax ku darista iyo kaabista qodobada Xeerka ee la xiira Arrimaha Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Soohdimaha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland. Sidookale, waxaa soo jeedin sameeyey Axmed Shire Axmed oo ka socday Machadka Hangool & Jaamacadda Puntland State University (PSU), Kaas oo ku saabsanaa daadejinta Maaliyadda (Fiscal Decentralisation), Caasimadda Garowe, Nidaamka Doorashooyinka Degmooyinka, iyo dib uga fakeridda nidaamka goboladda iyo Degmooyinka ee PL (Administrative Tiers). Is dhaafsiga aragtida kala duwan ee Dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka waxaa loo bedeli noo ururin iyo kaabis, waxaana la sii wadi doonaa shirarka ku saabsan talo xibinta wax ku darka, kaabista iyo dhamaystirka Dib u eegista xeerkaan. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469691231 999881245516584 2795285335395996400 n
nugaal, Arrimaha Gudaha DPL.

WASIIRKA OO DAAH-FURAY SHIRKA DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: December 09, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta daahfurey shirka dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7. Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaasha Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Shuruucda ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xubnaha Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Xisbiyada Siyaasadda Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Garowe, qayb ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Garowe, Duqa Degmada Godob-jiiraan, Xildhibaan Haashim Maxamed Jaamac oo ka socday Dalka Sweden, Madaxa UNDP Puntland, Hay’adaha maxaliga ah, Jaamacadaha, Garsoorka, sharciyaqaano iyo aqoonyahan kala duwan oo door ku lahaa doodda dib u eegista Xeerka. Ugu horreyntii waxaa shirka si Rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa Warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey La taliyaha sare ee dhanka Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Garsoore Ismaciil Cabdullaahi Cilmi. Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay aqoonyahankii iyo Madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Dastuurka Dowladda Puntland oo meel badan kala duwanaansho ka jiro iyo in kaabis lagu sameeyo qodobada qaarkood. Qodobada aadka looga dooday waxaa ka ka mid ahaa, Qodobka 29-aad ee Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Qodobka 24-aad oo sheegaya Shuruudaha lagu lumin karo xubinnimada Golaha Deegaanka. Qodobada 45-aad oo sheegaya habka ay ku furmayaan Fadhiyada Goleyaasha Deegaanka iyo ugu dambeyntii Qodobka 26-aad oo sheegaya Qaab-dhismeedka Derajoonka Degmooyinka iyo Tirada Xubnaha Golaha Deegaanka. Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta aqoonyahan waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7. –DHAMMAAD– XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469902689 1000345215470187 3783214107148296929 n
Arrimaha Gudaha DPL., Bari

Bosaaso: December 10, 2024: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladda Puntland Maxamed Cali Farmayeeri oo uu weheliyo Duqa Degmada Bosaaso Eng Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle), ayaa si wadajir ah u Guddoomiyey kulanka Maamulka Dowlada iyo Hay’adaha bah wadaagta ah ee ka wada shaqeeya mashruuca Saamaynta ee ka socda Bosaaso kuwaas ay ka mid yihiin IOM, UN-Habitat, UNDP iyo Swiss donor oo iyagu ahaa deeq bixiyaha mashruucan.

Waxaana kulanka qayb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Puntland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee dowlada Puntland, Engero iyo Khuburo kala duwan oo qayb ka ah Mashruucan oo lagu dhisay Xaafada Girible, Bosaaso (Xalka waara), taas oo ay degen yihiin dad horay u ahaa bakacayaal haddase si rasmi ah uga mid noqday bulshada Deegaanka, kuwaas oo loo dhisay Xaafadan oo qayb ka ah mashruuca xalka waara. Masuuliyiinta ayaa Madaxda Haay’addaha kala hadlay sidii loo heli lahaa natiijo wanaagsan oo ka dhalata mashruuca iyo sidii la isaga kaashan lahaa baahiyaha dhiman iyadoo shalay ay masuuliyiintu kormeeren Xaafadaasi, Waxaana si wayn la isula soo qaaday, Waxyaalaha qabyada ka ah filashooyinkii mashruucan iyo halka uu marayo iyada oo laga shaqaynayo deegaamaynta dadkii horay bakacayaasha u ahaa ee ku nool deegaanada Puntland gaar ahaan Bosaaso isla markaana loogu abuuri lahaa fursado shaqo loona bari lahaa xirfado mihiim ah si ay ula mid noqdaan bulshada kale. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469849089 1000472255457483 8108656388062630032 n
Bari, Arrimaha Gudaha DPL.

Bosaaso: December 10, 2024: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa dhagax dhigay Dayactirka xarunta qaabiladda Qaxootiga magaalada Bosaaso ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Agaasimaha Guud ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Eng Cabdulqaadir Cabdi daadir, Duqa Degmada Bosaaso Eng Cabdifitaax Maxamed Cismaan, Iskuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Bari oyo masuuliyiin ka kala socday Hay’adda UNHCR iyo Shirka Diyaar iyo xubno ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso. Xaruntaan oo in muddo ah aan helin dib u dayactir ayaa madaxda Wasaaradda waxay juhdi iyo waqti geliyeen sidii loogu samayn lahaa dayactir dhamaystiran, si dadka loogu adeego. Waxaa Wasaaradda ka caawisay Hay’adda UNHCR oo Wasaaradda ka taageerta Arrimaha la xiriira qaabilaadda qaxootiga, barakacayaasha iyo Magangelyo-doonka ku nool deegaanada Puntland. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top