Xiritaanka shirka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri, Agaasime ku xigeenka guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Masuuliyiinta Degmooyinka iyo Hawl-wadeenada Wasaaradaha Maaliyadda
Shirkaan oo socday muddo 3 beri ah ayaa waxaa furitaankiisa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Hanti dhawrka Guud ee Dawladda Puntland, Agaasimaha guud ee Wasaar Xisaabiyaha guud Dawladda Puntland hawl-wadeenada Hanti dhawrka Guud iyo Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray horumarinta hannaanka maamulka Maaliyadeed ee Degmooyinka, is waafajinta barnaamijka PFMIS Dawladaha Hoose iyo Dawladda dhexe, ka doodista qiimeynta Degmooyinka laga sameeyey February 2025.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.