Galdogob: June 15, 2025: Waxaa maanta si rasmi ah Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug looga daahfuray Kalfadhiyada 23-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Gobolka oo kalmad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 23-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Galdogob ayaa ku bogaadiyey Golaha Deegaanka sida ay uga go’an tahay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isagoo xusay in dowladdu ay garab taagan tahay dadaallada lagu horumarinayo Degmada. Waxuuna sidoo kale, carabka ku adkeeyay in laga shaqeeyo baahida loo qabo iskaashi buuxa oo ka dhexeeya laamaha dowliga ah iyo shacabka.
Kalfadhiga 23-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Goldogob ayaa inta uu socdo waxaa lagu lafo-gurayaa arrimo muhiim ah oo la xiriira adeegyada bulshada, qorshaha horumarinta Degmada, isla-xisaabtanka iyo dib-u-eegista miisaaniyadda sanadka 2025 ee Degmada waxaana la rajeynayaa in kalfadhigani uu horseedo go’aamo waxtar u leh bulshada Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay marwalba xoojinaysaa in Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee shacabku soo doortay ay dadka ugu adeegaan si hufan, waxtar leh, kuna dhisan kalsoonida dadweynaha soo doortay, waxaana lagu kormeeri doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta waajibaadka shaqo ee fulinta.
Ugu dambeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL waxay ku bogaadinaysaa Maamulka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Galdogob, sida ay isugu duubanyihiin, una xalistaan khilaafaadka gudahooda iyo u aaddgidda bulshada si wada jir ah.