Galdogob: May 08, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dawladda Puntland ayaa soo qaban qaabisay kormeer ay Hay’adaha bahwadaagta la ah Xalka Waara ( Durable Solution ) ay ku tageen Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.
kormeerkaas waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socotay Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, isuduwaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Gobolka mudug, hay’adaha kala ah UNHCR, UNOCHA, UNICEF, NRC iyo kuwo kale oo maxali ah. Ugu horayn waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Galdogob Mudane Ayaxle Faarax Maxamed isagoo ku soo dhoweeyey musuuliyintii Dawladda iyo hay’adaha wuxuuna ka warbiyey xaalada guud ee Degmada dhinicyada horumarka iyo bini’aadannimada. Sidoo kale waxaa booqasho u kuurgalid xaalada nololeed ah lagu tegay kaamamka Barakacayaasha ee Alaale iyo dhul loo asteeyey xalka waara ee Degmada Galdogob. Ugu danbayn waxaa la isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta bah-wadaagta barnaamijka xalka waara (Durable Solution), ee degmada Galdogob iyo guud ahaan Puntland. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.









