Jariiban: February 12, 2025: Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Cabdifitaax Samatar Ciise ayaa soo xiray tababarka awood siinta Golaha Deegaanka Jariiban ee Gobolka Mudug.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo waxaa hadda la qabtay 20 Degmo oo ka kala tirsan Gobolada Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug.
Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo.
Madasha lagu soo xiray tababarka Golaha Deegaanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Jariiban Cabdishakuur Maxamed Faarax iyo ku xigeenkiisa Mursal Axmed Xasan iyo dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Jariiban.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top