SHIRKA XOOJINTA AMNIGA IYO KA HORTAGGA FALALKA KA YIMAADA AJAANIIBTA.

Garowe: February 11, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa kulan la qaatay guddiga qaxootiga Yemeniinta ku nool Puntland.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda amniga Saamaynta ay ku leeyihiin, ka feejignaanta dadka ay soo dhaweeyaan ee aysan hubin xaaladdooda, in aysan Puntland ku noolaan karin qof aan sharci ku soo gelin Bad iyo Beri guud ahaan xuduudaha Dawladda Puntland.
Sidookale, waxaa kulankaan lagu xoojiyey in aan la aqbalayn warqad bedal ah oo meel kale laga siiyey (Transfer) qof soo gelaya Gudaha Puntland.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top