mudug

475642843 1036219815216060 7422953698713237110 n 1
mudug

Gaalkacyo: January 29, 2025: Shirka Mas’uuliyiinta labada Dawladood ee Galmudug iyo Puntland oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa dedaallada nabadeynta ee socday maalmahaan iyo in si guud la isaga xog waraysto meesha ay marayaan Arrimaha farsamo ka dib go’aamadii labada Dawladood ee soo baxay January 21, 2025.

Intii shirku socday waxaa si guud la iskula qaatay in la dhamaystiro qodobadii hore loogu heshiiyey iyada oo diiradda la saarayo sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa dirirta iyo colaadda soo noqnoqotey ee u dhaxaysay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase, horena looga soo saaray baaq wada jir ah oo ku aaddan xabbad joojinta labada dhinac. Ugu dambeyntii waxaa loo balamay shirarka xiga in lagu dhamaystirayo Arrimaha farsamo ee mudnaan u leh nabadeynta Galbeedka Gobolka Mudug. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

475819575 1036205458550829 1258010783041332842 n
mudug

Galdogob 29, 2025: Masuuliyiinta Dawladda Puntland ee ku sugan Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa booqday Kasmtamka Tuur-dibi, xaruntii hore Farsamada gacanta iyo qaybo ka mid ah beeraha wax soo saarka Galdogob.

Masuuliyiinta Dawladda ayaa dhagax dhigay wadada Tuur-dibi Gaalkacyo iyo Iskuulka farsamada gacanta Degmada Galdogob. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

475046026 1035388698632505 1064457757549853358 n
mudug

SHIRKA MAALINTA 2-AAD EE MASUULIYIINTA DAWLADDA PUNTLAND IYO ODAYAASHA DHAQANKA DEGMADA GALDOGOB.

Galdogob: January 28, 2025: Masuuliyiinta Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ee ku sugan Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa maalintii labaad la shiray Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob. Shirkaan oo daba socday shirarkii kala duwanaa ee dedaallada nabadeynta Galbeedka Gobolka Mudug ayaa waxaa ka soo qaybgalay Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob, Maamulka Degmada, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, guddiga farsamada, masuuliyiinta kala duwan ee Goleyaasha Dawladda Puntland iyo hawl-wadeeno farsamo oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dawladda Puntland. Shirkaan oo maalintii labaad ka socda Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta looga wadahadley tabaha ugu wanaagsan ee xalinta khilaafadka ka taagan Galbeedka Gobolka Mudug, masuuliyiinta Dawladda ayaa Odayaasha dhaqanka la wadaagay aragtidooda ku aadan xal u helidda colaadda ka taagan Galbeedka Gobolka Mudug iyo ka jawaabidda qodobadii ay shalay Odayaasha dhaqanka soo jeediyeen ee ku saabsanaa sida ugu haboon ee colaaddaan lagu xakamaynkaro, laguna gaari lahaa in uu furmo shirka wadahadalka Beelaha Leelkase iyo Sacad. Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob ayaa masuuliyiinta Dawladda Puntland la wadaagay in ay diyaar u yihiin nabad iyo xasillooni ka dhalata Gobolka Mudug, gaar ahaan Galbeedka Gobolka Mudug, Odayaasha ayaana soo jeediyey in ay muhiim tahay in la maro tabaha farsamo ee ay u arkaan lagu gaari karo nabad waarta. Ugu dambeyntii Masuuliyiinta Dawladda iyo Odayaasha dhaqanka ayaa isla qaatay in isku aragti laga ahaado sidii nabadda iyo xasilloonida loo adkayn lahaa, loogana wada shaqayn lahaa in la gaaro jawi isla ogol ah oo sahlaya in ay furanto gogosha nabadeynta beelaha Leelkase iyo Sacad. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

474767766 1034533632051345 4639241817428515011 n
mudug

Galdogob: January 27, 2025: Masuuliyiinta Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa safar ku gaaray Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob.

Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob ayaa waxaa looga wadahadley xalinta khilaafadka ka taagan Galbeedka Gobolka Mudug, masuuliyiinta Dawladda ayaa Odayaasha dhaqanka la wadaagay ujeedka safarkooda oo ku saabsan sidii iyada oo la wada jiro loo fulin lahaa go’aamadii ka soo baxay labada Dawladood 21 Jannaayo 2025. Dhanka kale, Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob ayaa soo jeediyey caqabaha ka hor yimid heshiiskii hore ee kala qaadista ciidanka iyo arritidooda ku aadan sida ugu haboon ee lagu helo karo nabad waarta oo ka dhacda Galbeedka Gobolka Mudug. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

475055098 1033972825440759 3469582174681779226 n
mudug

Gaalkacyo: January 26, 2025: Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo shir Guddoomiyay Guddiga amniga Gobolka Mudug oo ka kooban Maamulka Gobolka, kana Degmada Gaalkacyo, Madaxkamadda iyo laamaha amaanka Gobolka Mudug.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay Wareegtadii Wasaaradda Arimaha Gudaha ee kusaabsanayd Ajaaniibta sida sharcidarada ah ku jooga puntland iyo sidii loo xakamayn lahaa waxaan looga hadlay 5 qodob oo kala ah:- 1. Waxaan guddigu la kulmay Shirgadaha isgaarsiinta Golis, Amtel, iyo Somtel waxaana looga wada hadlay sidii looga wadashaqayn lahaa ajaaniibta lambarada ay wataan ee ay ku tuugsadaan iyo wixii la xiriira. 2. Guddiga amniga Gobolka Mudug ayaa isla qaatay adkaynta Koontaroolada iyo gaadiidka qaada dadka tahriibta ah, iyada oo ciddii lagu helo lala tiigsanayaa sharciga la dagaalanka argagixisada. 3. Joojinta Dawarsiga, waxaa isla maanta laga hawlgalay magaalada Gaalkacyo iyada oo lasoo qabqabtay dad kala duwan kuwaas hadda baaris ku soocoto. 4. Sidoo kale, Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo fulinaya wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa isla qaatay inay mamnuuc tahay wareejinta ganacsiga yar yar ee aan sharciyeysnayn. 5. Waxaaa guddi gaar ah loo saaray Hubinta macluumaadka Ajaaniibta ku nool Gobolka Mudug sida Shaqadooda, wakiiladooda iyo ogaanshaha deegaanashahooda. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

474605822 1033199248851450 7271729789530852312 n
mudug

▪︎▪︎▪︎WAR-SAXAAFADEED▪︎▪︎▪︎

Gaalkacyo: January 25, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay soo saartay qodobada hoos ku xusan:- 1. Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn. 2. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda. 3. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya. 4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto. 5. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

474673767 1032150218956353 1545510450455189107 n
mudug

Xarfo: January 24, 2025: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ku soo gaba-gabaysay tababarka awood siinta Golaha Deegaanka DegmooyinkaPuntland.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 2-aad laga qaban doonaa 6 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Mudug iyo Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

475066435 1032144012290307 8610001973034798846 n
mudug

Towfiiq: January 24, 2025: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ku soo gaba-gabaysay tababarka awood siinta Golaha Deegaanka DegmooyinkaPuntland.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 2-aad laga qaban doonaa 6 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Mudug iyo Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top