Galdogob: January 27, 2025: Masuuliyiinta Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa safar ku gaaray Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob.

Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob ayaa waxaa looga wadahadley xalinta khilaafadka ka taagan Galbeedka Gobolka Mudug, masuuliyiinta Dawladda ayaa Odayaasha dhaqanka la wadaagay ujeedka safarkooda oo ku saabsan sidii iyada oo la wada jiro loo fulin lahaa go’aamadii ka soo baxay labada Dawladood 21 Jannaayo 2025.
Dhanka kale, Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob ayaa soo jeediyey caqabaha ka hor yimid heshiiskii hore ee kala qaadista ciidanka iyo arritidooda ku aadan sida ugu haboon ee lagu helo karo nabad waarta oo ka dhacda Galbeedka Gobolka Mudug.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top