SHIRKA MAALINTA 2-AAD EE MASUULIYIINTA DAWLADDA PUNTLAND IYO ODAYAASHA DHAQANKA DEGMADA GALDOGOB.

Galdogob: January 28, 2025: Masuuliyiinta Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ee ku sugan Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa maalintii labaad la shiray Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob.
Shirkaan oo daba socday shirarkii kala duwanaa ee dedaallada nabadeynta Galbeedka Gobolka Mudug ayaa waxaa ka soo qaybgalay Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob, Maamulka Degmada, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, guddiga farsamada, masuuliyiinta kala duwan ee Goleyaasha Dawladda Puntland iyo hawl-wadeeno farsamo oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dawladda Puntland.
Shirkaan oo maalintii labaad ka socda Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta looga wadahadley tabaha ugu wanaagsan ee xalinta khilaafadka ka taagan Galbeedka Gobolka Mudug, masuuliyiinta Dawladda ayaa Odayaasha dhaqanka la wadaagay aragtidooda ku aadan xal u helidda colaadda ka taagan Galbeedka Gobolka Mudug iyo ka jawaabidda qodobadii ay shalay Odayaasha dhaqanka soo jeediyeen ee ku saabsanaa sida ugu haboon ee colaaddaan lagu xakamaynkaro, laguna gaari lahaa in uu furmo shirka wadahadalka Beelaha Leelkase iyo Sacad.
Odayaasha dhaqanka Degmada Galdogob ayaa masuuliyiinta Dawladda Puntland la wadaagay in ay diyaar u yihiin nabad iyo xasillooni ka dhalata Gobolka Mudug, gaar ahaan Galbeedka Gobolka Mudug, Odayaasha ayaana soo jeediyey in ay muhiim tahay in la maro tabaha farsamo ee ay u arkaan lagu gaari karo nabad waarta.
Ugu dambeyntii Masuuliyiinta Dawladda iyo Odayaasha dhaqanka ayaa isla qaatay in isku aragti laga ahaado sidii nabadda iyo xasilloonida loo adkayn lahaa, loogana wada shaqayn lahaa in la gaaro jawi isla ogol ah oo sahlaya in ay furanto gogosha nabadeynta beelaha Leelkase iyo Sacad.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top