mudug
Bursaalax: January 21, 2025: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug ka daahfuray tababarka awood siinta Golaha Deegaanka Degmada Bursaalax.
Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 2-aad laga qaban doonaa 6 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Mudug iyo Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Buurtinle: January 21, 2025: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa magaalada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ka daahfuray tababarka awood siinta Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle.
Tababarkaan ayaa waxaa furitaankiisa ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo iyo Madaxa Hay’adda CES. Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 2-aad laga qaban doonaa 6 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Mudug iyo Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Go’aamada shirka Masuuliyiinta Labada Dawladood ee Puntland iyo Galmudug.
Gaalkacyo: January 21, 2025: kulan muhiim ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dawladood ee Galmudug iyo Puntland ee ku howllanaa nabadeynta Gobolka Mudug, kulankaas oo ay kaga arrinsanayeen sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa colaadda iyo dirirta soo noqnoqtey ee u dhexeysa beelaha Sacad iyo Leelkase islamarkaana looga hortagi lahaa iskudhac danbe oo sababa khasaare nafeed ayaa lagu gaarey go’aamadaan; 1. In maleeshiyada labada Beelood ee dirirtu u dhaxayso la kala fogeeyo iyada oo la kala geynayo goobihii hore loogu asteeyey (Bandiiradley iyo Galdogob). 2. In dib loo hawlgeliyo ciidamadii nabadgelyada ee labada Dawladood, kuwaas oo u xilsaaran hubinta nabadda aagga ka caagan maleeshiyo beeleedka oo ah inta u dhexeysa Galdogob iyo Bandiiradley. 3. In guddiga farsamadu ay dedejiyaan qabashada guddiga xeerbeegtida iyo culamada ee ka garnaqa khilaafka labada Beelood siwaafaqsan heshiiskii labada beelood ee 02/10/2024, iyaga oo la tashanaya odayaasha dhaqanka labada Beelood iyo labada Dawladood. 4. In guddi gaar ah loo saaro falkii weerarka ahaa ee 18/01/2025 maleeshiyada kasoo jeedda Beesha Leelkase ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo si go’aan ku habboon looga gaaro muddo 48 saac gudahood ah. 5. In la tixgeliyo lana ilaaliyo dhammaan go’aamadii iyo heshiisyadii hore looga gaaray khilaafka labada beelood ee Leelkase iyo sacad lana fuliyo wixii hore loogu heshiiyey. 6. In isku socodka xoolaha lagu xakameeyo deegaanada hadda ay kala joogaan inta xal kama dambays ah laga gaarayo. 7. Fulinta iyo dhaqangelinta go’aamadaan waa in lagu xaqiijiyaa ugu dambayn 27/01/2025. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Gaalkacyo: January 20, 2025: Wafti ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka ee ku sugan Gobolka Mudug ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay hogayga uu ka deganyahay magaalada Gaalkacyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax.
Kulankaan oo ujeedkiisu ahaa booqasho iyo Salaan ayaa waxaa intaas kadib looga wada hadlay xaaladda guud ee Gobolka dhinacyada amniga iyo xasilloonida bulshada dhexdeeda iyo xaaladda Galbeedka Gobolka Mudug. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Gaalkacyo: 19 January 2025: Wafdi ballaaran oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakil kale ayaa caawa soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Waftigaan oo uu Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa u jeedka safarkoodu yahay xal u helida shaqaaqadii xalay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo iyo colaadda Galbeedka Gobolka Mudug.
Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa bulshada Gaalkacyo ugu baaqay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wadajirka si loo ilaaliyo deganaanshaha Gobolka, iyagoo ballanqaaday inay ka shaqeynayaan xal waara oo lagu nabadeynayo deegaanka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo Saxaafadda la hadlay ayaa si adag u cambaareeyey wixii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna caddeeyey in ciddii falkaas ka dambaysay aysan cidna ku matalin sharcigana la horgeyn doono waqtigeeda. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Gaalkacyo: January 18, 2025: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka daahfuray tababarka awood siinta Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.
Tababarkaan ayaa waxaa furitaankiisa ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Mudug, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo iyo Madaxa Hay’adda CES. Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 2-aad laga qaban doonaa 6 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Mudug iyo Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
WASIIRKA OO DAAH-FURAY SHIRKA DIB U EEGISTA XEER LR.7, WAJIGIISA 4-AAD.
Gaalkacyo: January 11, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta daahfurey wajiga 4-aad ee shirka dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7 oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Mudug, Guddoomiyaasha Degmooyinka Xarfo iyo Bursaalax ee Gobolka Mudug, Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Golaha Garsoorka, Iskuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug, xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, sharciyaqaano iyo aqoonyahan kala duwan oo door ku lahaa doodda dib u eegista Xeerka. Ugu horreyntii waxaa shirka si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa Warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey La taliyaha sare ee dhanka Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ismaaciil Cabdullaahi Cilmi. Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay aqoonyahankii iyo Madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in si taxadar leh loo guda galo wax ka baddelka Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7. Qodobada aadka looga dooday waxaa ka ka mid ahaa, Qodobka 29-aad ee Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Qodobka 24-aad oo sheegaya Shuruudaha lagu lumin karo xubinnimada Golaha Deegaanka. Qodobada 45-aad oo sheegaya habka ay ku furmayaan Fadhiyada Goleyaasha Deegaanka iyo ugu dambeyntii Qodobka 26-aad oo sheegaya Qaab-dhismeedka Derajoonka Degmooyinka iyo tirada xubnaha Golaha Deegaanka. Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta aqoonyahan waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Gaalkacyo: January 05, 2025: Shirkii Mas’uuliyiinta labada Dawladood ee Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka furmay January 05, 2025, loogana arrinsanayey sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa dirirta iyo colaadda soo noqnoqotey ee u dhaxaysay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase, horena looga soo saaray baaq wada jir ah oo ku aaddan xabbad joojinta labada dhinac ayaa maanta laga soo saarey go’aamada hoos ku xusan:-
1. Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood. 2. In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac. 3. In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Gaalkacyo: January 07, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa iyo Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aaden (Gaboobe) ayaa si wada jir ah u shir Gudoomyey shirka 2-aad ee guddiga Golaha Wasiirada labada Dawladood Puntland iyo Galmudug oo ah guddiga Labada Madaxweyne u xilsaareen xal u helidda colaadda Galbeedka Gobolka Mudug.
Shirkaan oo ahaa shirkii 2-aad ee guddiga Golaha Wasiirada labada Dawladood ee Dawladda Puntland iyo Dawladda Galmudug ayaa maanta ujeedkiisu wuxuu ahaa dhagaysiga guddiga farsamada labada beelood ee hawsha nabadaynta ku soo jiray muddo 3 bilood ah. Guddiga farsamada ayaa soo jeediyey Warbixinta guud ee colaadda Galbeedka Gobolka Mudug, wixii u qabsoomay iyo caqabaha taagan ee aan weli xal loo helin iyo taladooda maanta ee ah sidii colaaddaan loo soo afjari lahaa. Intaas kadib, wada hal dheer iyo niqaash ku saabsan habka ugu haboon ee loo heli karo xalka nabadda waxaa la isla qaatay in berri dib loo balamo iyada oo la isla qaadanayo in la gaaro go’aamo wax ku ool ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.









