Gaalkacyo: January 07, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa iyo Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aaden (Gaboobe) ayaa si wada jir ah u shir Gudoomyey shirka 2-aad ee guddiga Golaha Wasiirada labada Dawladood Puntland iyo Galmudug oo ah guddiga Labada Madaxweyne u xilsaareen xal u helidda colaadda Galbeedka Gobolka Mudug.

Shirkaan oo ahaa shirkii 2-aad ee guddiga Golaha Wasiirada labada Dawladood ee Dawladda Puntland iyo Dawladda Galmudug ayaa maanta ujeedkiisu wuxuu ahaa dhagaysiga guddiga farsamada labada beelood ee hawsha nabadaynta ku soo jiray muddo 3 bilood ah.
Guddiga farsamada ayaa soo jeediyey Warbixinta guud ee colaadda Galbeedka Gobolka Mudug, wixii u qabsoomay iyo caqabaha taagan ee aan weli xal loo helin iyo taladooda maanta ee ah sidii colaaddaan loo soo afjari lahaa.
Intaas kadib, wada hal dheer iyo niqaash ku saabsan habka ugu haboon ee loo heli karo xalka nabadda waxaa la isla qaatay in berri dib loo balamo iyada oo la isla qaadanayo in la gaaro go’aamo wax ku ool ah.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top