Bosaaso: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Waftiga Wasaaradda ee uu hoggaamiyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax ayaa saaka booqday guryaha dhismaha xalka waara ee magaalada Bosaaso laga dhisayo iyo xarunta qaabiladda Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL oo dib u dhis ku socdo.
Masuuliyiinta Wasaaradda waxaa kormeerka ku weheliyey Xildhibaan Cabdikaafi, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso Mudane Abdifatah Mohamed osman shanle, Iskuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Bari, Madax ka socday Hay’addaha bahwadaagta Dawladda Puntland kala shaqeeya dhismaha guryaha xalka waara iyo masuuliyiin kale oo heer Gobol iyo Degmo ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax ayaa bogaadiyay injineerada gacanta ku haya dhismaha guryaha xalka waara oo si casri ah u dhisay, lana qiime ah kuwii hore.
Ugu dambeyntii kormeerka iyo iyo u guur gelidda ee shaqo masuuliyiinta ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top