Gaalkacyo: January 06, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyadoo fulinaysa waajibaadka ka saaran ilaalinta hannaanka dawliga ah ee Degmooyinka iyo sifooyinka sharci ee ay ku furmaan kalfadhiga Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland, waxay ku wargelinayaa xubnaha shalay shiray ee soo saaray in xilkii laga qaaday Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug in aysan u marin hannaan sharci ah.
Sidaa darteed, iyada oo la tixraacayo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7, Qodobkiisa 44-aad, farqadiisa 2-aad oo u dhigan sidaan hoose:-
“Shirarka Golaha Deegaanka waxaa isugu yeeraya Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada ama waxaa soo jeedinaya saddex meelood oo meel (1/3) tirada guud ee xubnaha Golaha Deegaanka”.
Madaama aysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland goob joog ka ahayn lana ogaysiin fadhi uu yeelanayo Golaha Deegaanka Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.
Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.
Ugu dambeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay dardargelinaysaa tababarka iyo furista Kalfadhiyada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee dhiman, waxaana qorshaysan in la dhamaystiro tababarka 30-ka Degmo ee hadda socda.