mudug

472486828 1019741130197262 6009327984741995937 n 1
mudug

BEENIN XIL KA QAADIS GUDDOONKA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA SAAXO.

Gaalkacyo: January 06, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyadoo fulinaysa waajibaadka ka saaran ilaalinta hannaanka dawliga ah ee Degmooyinka iyo sifooyinka sharci ee ay ku furmaan kalfadhiga Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland, waxay ku wargelinayaa xubnaha shalay shiray ee soo saaray in xilkii laga qaaday Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug in aysan u marin hannaan sharci ah. Sidaa darteed, iyada oo la tixraacayo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7, Qodobkiisa 44-aad, farqadiisa 2-aad oo u dhigan sidaan hoose:- “Shirarka Golaha Deegaanka waxaa isugu yeeraya Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada ama waxaa soo jeedinaya saddex meelood oo meel (1/3) tirada guud ee xubnaha Golaha Deegaanka”. Haddaba, maadaama aysan jirin soo jeedin qabasho shir Golaha Deegaanka Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug oo uu qabtay Guddoomiyaha Golaha ahna Duqa Degmada Saaxo. Maadaama aysan jirin shir caadiya iyo mid aan caadi ahayn oo uu isugu yeeray Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Saaxo. Madaama aysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland goob joog ka ahayn lana ogaysiin fadhi uu yeelanayo Golaha Deegaanka Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug. Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug. Ugu dambeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay dardargelinaysaa tababarka iyo furista Kalfadhiyada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee dhiman, waxaana qorshaysan in la dhamaystiro tababarka 30-ka Degmo ee hadda socda. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

472220888 1019462046891837 2522760415584929273 n
mudug

Gaalkacyo: January 06, 2025: Waftiga Golaha Wasiirada ee ku sugan Gobolka Mudug ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay hogayga uu ka deganyahay magaalada Gaalkacyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax.

Waftiga oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Waxbarashada Fu’aad Abshir Adeer, Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Mudane Axmed Shiikh Faarax, Wasiiru ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Mudane Siciid Salaad iyo Xoghayaha Wasaaradda Abshir Xasan Maxamed. Kulankaan oo ujeedkiisu ahaa booqasho iyo Salaan ayaa waxaa intaas kadib looga wada hadlay xaaladda guud ee Gobolka dhinacyada amniga iyo xasilloonida bulshada dhexdeeda. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

473113969 1021733766664665 173574473542507722 n
mudug

▪︎▪︎WAR-SAXAAFADEED▪︎▪︎

Gaalkacyo: January 05, 2025: Shirkii Mas’uuliyiinta labada Dawladood ee Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka furmay January 05, 2025, loogana arrinsanayey sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa dirirta iyo colaadda soo noqnoqotey ee u dhaxaysay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase, horena looga soo saaray baaq wada jir ah oo ku aaddan xabbad joojinta labada dhinac ayaa maanta laga soo saarey go’aamada hoos ku xusan:- 1. Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood. 2. In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac. 3. In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

472529028 1018944716943570 9142577544689084645 n
mudug

SHIRKA ADKAYNTA IYO DARDARGELINTA DEDAALADA NABADEYNTA EE GALBEEDKA GOBOLKA MUDUG.

Gaalkacyo: January 05, 2025: maanta oo taariikhdu tahay January 05, 2025 waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dhacay shir muhiim ah oo ku saabsan adkaynta Nabadgelyada Galbeedka Gobolka Mudug una dhaxeeyey Dawladda Puntland iyo Dawladda Galmudug. Shirkaan oo daba socday shshirweynihii dardargelinta Nabadaynta Gobolka Mudug ee ay labada Madaxweyne, Madaxweynaha Dawladaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ay si wadajir ah magaalada Gaalkacyo uga fureen 14 September 2024, ayaa maanta waxaa ku kulmay guddi ay labada Madaxweyne u soo direen in xal waara laga gaaro colaadda Galbeedka Gobolka Mudug. Guddiga Golaha Wasiirada labada Dawladood oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka Mudug labada dhinac iyo maamulka Degmada Gaalkacyo labada dhinac, Agaasimeyaal Guud, xubno ka mid ah madaxda labada Dawladood ayaa kawada hadlay sida ugu haboon ee lagu gaari karo xal waara oo nabadeed oo ka dhalata Galbeedka Gobolka Mudug. Shirku intuu socdey waxaa lagu lafa-guray muhiimadda nabadda, wadda-noolaanshaha, Isdhexgalka bulshada, wax wada-lahaanshaha iyo faa’iidooyinka ku jirta guud ahaan Bulshada ku nool Gobolka Mudug. Masuuliyiinta ayaa intii shirku socday isla garowsaday muhiimadda ay u leedahay nabaddu Horumarinta iyo wada noolaanshaha bulshada Gobolka Mudug, waxaana la isla qaatay in si wadajir ah looga hor-tago dhammaan shaqaaqooyinka iyo ficilladda liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida bulshada ku nool Gobolka Mudug. Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland Mudane Yacquub Maxamed Cabdalle iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dawladda Galmudug Mudane Maxamed Talyaani ayaa si wada jir ah u jeediyey Warbixinta kooban ee shirkii maanta dhacay. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

472110954 1015511440620231 4883316972277440965 n
mudug

SHIRKA TAAKULAYNTA IYO GARAB ISTAAGGA CIIDAMADA DAWLADDA PUNTLAND.

Gaalkacyo: December 31, 2024: Maanta waxaa shir isugu yimid Guddiga Fulinta Maamulka Gobolka, qaar ka mid ah Goddoomiye yaasha Degmooyinka Gobolka Mudug iyo Xubno ka mid ah golaha Hormarinta Gobolka Shirka oo ka dhacay Xafiiska Maamulka Gobolka ayaa waxaa looga hadlay sidii taakulo iyo garabistaag loosiin lahaa ciidamada DPL ee ka dagaalamaya Buuralayda Golis. Shirka ayaa aad loogu dheeraaday dhibaatada argagixisadu ku hayso guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland, sidoo kale shacabka gobolka mudug ayaa caado u leh inay garab istaagaan ciidmadooda isla markaana ay si hagarla’aan ah uga qaybqaataan naf iyo maalba sidii loo sifayn lahaa khawaariijta arxan laawyaasha ah ee dhiigmiiratada. Shirka ayaa laga balan qaaday in si buuxda loo garab istaagi doono ciidamada qaybahooda kala duwan ee DPL, sidoo kale shirka ayaa ku baaqay inay dadka gobolku usoo jeestaan taakulada iyo garab istaaga Ciidamada ka hawlgalaya buraleyda Golis. Shirka ayaa lagu kala qaatay qoondo degmooyinkuna ay balan qaadeen inay keenayaan qoondada loo qoondeeyay, ugu dambayn shirka ayaa kusoo dhamaaday isfahan iyo sidii loogu talagalay. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471791592 1013838637454178 3467076384522735644 n
mudug

▪︎▪︎▪︎(SAXID KOOBAN)▪︎▪︎▪︎ HESHIISKA LABADA JIFO EE MAXAMED CUMAR IYO REER MAHAD (CUMAR MAXAMUUD) EE DEGMADA XARFO.

Xarfo: December 28, 2024: Maanta oo taariikhdu tahay December 28, 2024, waxaa guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud ee Degmada Xarfo ka furmay wajiga 2-aad ee shirka dib u heshiisiinta labadaba beelood ee isku dhacu ku dhexmartay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug December 22, 2024. Shirkaan oo ahaa maanta mid si toos ah loo guda galay, ayaa waxay nabaddoonnada iyo gudiga labada jifo ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad ku heshiiyeen:- 1. Waxay Jifida Maxamed Cumar ka garaabeen, raalligelin iyo soo hoyasho tolnimana ka bixiyeen dhacdadii foosha xumayd ee Xarfo ka dhacday. Waxay caddeeyeen inay beel ahaan hagaajinayaan Ceelkii waxyeeladu soogaartay ee Degmada Xarfo. 2. Waxay labada jifo (Maxamed Cumar iyo Reer Mahad), ku heshiiyeen in berri laga bilaabo iyagoo wada jira ciidamadii iyo maleeshiyadii Xarfo gurmad ahaanta ku soo galay lakala diro oo deegaamadoodii lagu celiyo. 3. In wixii dhib ahaa ee dhacay (dhiig iyo dhaawac) laga wada hadlo, lagana heshiiyo. 4. Arrinta Qabooley waxay labada Jifo ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad (Cumar Maxamuud), Isimada iyo Dawladduba isla qaateen in la raaco guddoonkii Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ee horey looga gaaray arrimaha Qaboobey, loona fuliyo guddoonkaas si deg deg ah. Ugu dambayntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinaysaa cidkasta oo ka qayb-qaadatay nabadeynta beelaha walaaha ah ee xurguftu ku dhexmartay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, kuwaas oo ay ugu horeyaan Isimada dhaqanka Gobolka Mudug, Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Golaha baarlamaanka Puntland, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Xarfo, ciidamada amaanka, guddigii Cuqaasha iyo samadoonada ahaa ee hawshaan ku jiray iyo Nabaddoonadii ka yimi Gobolada kale ee Puntland, gaar ahaan Gobolka Nugaal. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471246041 1013241077513934 7409151348044882330 n
mudug

FURITAANKA WAJIGA 2-AAD EE SHIRKA NABADDA DEGMADA XARFO EE GOBOLKA MUDUG.

Xarfo: December 28, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo hogaaminayaya Waftiga Dawladda iyo Isimada dhaqanka Gobolka Mudug ayaa si wadajir ah u furay shirka dhex-dhexaadinta Beelaha dirirtu dhexmartay ee Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug. Shirkaan oo daba socday shirkii December 24, 2024 ka furmay guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud oo u jeedkiisu ahaa in xabadda la joojiyo, ciidamada magaalada laga saaro iyo im wada hadal ay u soo diyaar garoobaan labada dhinac ee dirirtu dhexmaray, ayaa maanta wajigiisi 2-aad oo ah wadahal toos ah waxa uu ka furmay guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud ee Degmada Xarfo. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL oo khudbad muhiim ah ka jeediyey madasha ayaa madax dhaqameedka labada dhinac ugu baaqay in la heshiiyo, oo weliba si dhab ah oo dhamaystiran loo heshiiyo, ciidan beeleedkana la kala diro, dadka iyo deegaankana nabad loo daayo. Isimada dhaqanka Gobolka Mudug oo door muhiim ah ku lahaa joojinta iyo af qabashada dirirtii dhexmaray labada daraf ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday in ay muhiim tahay in nabad iyo xasilloonida la adkeeyo nabad buuxdana la qaato, iyada oo laga waantoobayo waxkasta oo nabadda wax u dhimaya. Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madax dhaqameed kala duwan oo ka kala yimi Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug, waxayna si isku mid ah ugu baaqeen in ay maanta Reer Puntland guud ahaan u baahanyihiin in ay nabadda adkaystaan, halka cadow ee ay leeyihiinna isku meel uga soo wada jeestaan. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471504339 1011788844325824 6804332913213267554 n
mudug

Gaalkacyo:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta ka qaybgalay Caleema saarka Suldaan Ahmed Geelle Cabdiweli oo Gaalkacyo lagu caleema saaray. Wasiirka ayaa Suldaan cusub kula dardarmaay in uu qayb ka noqdo dedaalada nabadda ee Beelaha iyo ka shaqaynta samaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471262599 1011271727710869 1660719005999543887 n
mudug

Gaalkacyo: December 25, 2024

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Mudane Abdi Farah Juxa oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Maxamed Cabdirisaaq Warsame ayaa galabta booqday Cisbitaalka GMC iyo Jaamacadda GSU. Masuuliyiinta ayaa kormeeray qaybaha Cisbitaalka iyo Jaamacadda, waxa ayna warbixin kooban ka dhagaysteen masuuliyiinta kala duwan iyo Maamulka Cisbitaalka iyo Jaamacadda. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471323864 1010480377790004 3366026801073941449 n 1
mudug

BAAQA NABADEED IYO GO’AANKA SHAQAAQADII KA DHACDAY XARFO.

Xarfo: December 24, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa go’aamo ka soo saaray shaqaaqadii Degmada Xarfo ka dhacday. Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda labada Gole ee Dawladda Puntland, Isimada dhaqanka Gobolka Mudug, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Duqa Degmada Xarfo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland, guddiga odayaasha ee dhex-dhexeedinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay, guddiga odayaasha labada daraf ee dirirtu dhexmartay iyo ergo kala duwan oo ka soo qaybgalay madashaan islaaxa ahayd. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa soo soo jeediyey baaqa iyo go’aamada la isla qaatay oo kala ah:- 1. waxaa la isla qaatay xabad joojin buuxda. 2. In magaalada laga saaro dhammaan ciidan beeleedkii dirirtu dhexmartay, lana geeyo goobo cayiman oo la isla gartay, magaaladana aan hub lala soo geli karin, lalana dhexmari karin. 3. In labada darafba ay u diyaar garoobaan gogol nabadeed iyo wada hadal, si loo xaliyo khilaafka arrintaan, gogoshaas oo ka dhacaysa Degmada Xarfo, gaar ahaan guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud, taariikhdu marka ay tahay 25/12/2024. 4. in darafkii jabiya xabad joojinta lagu heshiiyey lagu ganaaxo lacag dhan $20.000 (Labaatan kun oo Dollar), iyo falkaas khasaaraha ka dhasha. 5. in masuuliyadda amniga guud ahaan Degmada Xarfo ay masuul ka tahay Dawladda Puntland. 6. waxaa kale oo guddigu go’aamiyeen in kharashka ku baxaya gogoshada nabadda iyo martida ay masuul ka yihiin labada Beelood ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad si siman. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top