SHIRKA TAAKULAYNTA IYO GARAB ISTAAGGA CIIDAMADA DAWLADDA PUNTLAND.

Gaalkacyo: December 31, 2024: Maanta waxaa shir isugu yimid Guddiga Fulinta Maamulka Gobolka, qaar ka mid ah Goddoomiye yaasha Degmooyinka Gobolka Mudug iyo Xubno ka mid ah golaha Hormarinta Gobolka Shirka oo ka dhacay Xafiiska Maamulka Gobolka ayaa waxaa looga hadlay sidii taakulo iyo garabistaag loosiin lahaa ciidamada DPL ee ka dagaalamaya Buuralayda Golis.
Shirka ayaa aad loogu dheeraaday dhibaatada argagixisadu ku hayso guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland, sidoo kale shacabka gobolka mudug ayaa caado u leh inay garab istaagaan ciidmadooda isla markaana ay si hagarla’aan ah uga qaybqaataan naf iyo maalba sidii loo sifayn lahaa khawaariijta arxan laawyaasha ah ee dhiigmiiratada.
Shirka ayaa laga balan qaaday in si buuxda loo garab istaagi doono ciidamada qaybahooda kala duwan ee DPL, sidoo kale shirka ayaa ku baaqay inay dadka gobolku usoo jeestaan taakulada iyo garab istaaga Ciidamada ka hawlgalaya buraleyda Golis.
Shirka ayaa lagu kala qaatay qoondo degmooyinkuna ay balan qaadeen inay keenayaan qoondada loo qoondeeyay, ugu dambayn shirka ayaa kusoo dhamaaday isfahan iyo sidii loogu talagalay.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top