Waftigaan oo uu Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid ayaa ka koobnaa Xildhibaan Yaasiin Jaamac Cumar (Taakilo), Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux), Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Shiikh Faarax, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamed Ciise Cismaan ayaa gaaray Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug oo dirir ku dhexmartay Beelo walaalo ah. Waxaa Degmada Xarfo hore ugu sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Shiikh Cali (Jifo-jabsade) iyo Isimada dhaqanka Gobolka Mudug, kuwaas oo qabtay Guddi dhex-dhexaad ah oo dejiya colaadda ka soo cusboonaatay Degmada Xarfo. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL oo ka hadlay Xaaladda Degmada Xarfo ayaa u mahadceliyey Dhammaan intii ka qaybqaadatay xabad-joojinta wuxuuna ugu baaqay Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac in nabadda la adkeeyo, xabad joojin rasmi ahna la sameeyo, ciidamadana la kala qaado iyo in la wada hadlo si loo gaaro nabadda waarta. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.