XAFLADA XIL-WAREEJINTA XOGHAYAHA CUSUB EE DOWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAALKACYO.

Gaalkacyo: December 09, 2024: Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Mudane Maxamed Cabdirisaaq Warsame (Daacad) iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane ee Gobolka Mudug Cabdifitaax Samatar Ciise ayaa xilka u kala wareejiy Xoghayaha cusub iyo Xoghayihii hore ee Degmada Gaalkacyo.
Xafladda xil-wareejinta Xoghayaha Degmada Gaalkacyo oo ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Degmada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xubno kamida Xildhibaanada Golaha Deeganka Degmada, Agaasimka Waaxyaha kale duwan ee Dowladda Hoose, laamaha amniga iyo hawl-wadeenada kala duwan ee Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo.
Xoghayihii hore Degmada Mudane Ukun Cabdicasiis Maxamed ayaa madasha xilwareejinta ku soo bandhigay Guuulihii iyo waxqabadkii Degmadu gaartay intii uu xilka joogay kadibna wuxuu Faylashii wax-qabadka u qab soomay inta uu joogay iyo xogta shaqalaha kala duwan ee Dowladda Hoose kuwareejiyey xoghaya cusub mudane Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax (Geesaweyne).
Xoghayaha cusub ee Degmada Gaalkacyo Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax ayaa ka mahadceliyey shaqada baaxada leh ee ay soo qabteen howl wadeenada kala duwan ee Dowladda Hoose isagoo ka codsaday in sidii maamulka hore iyo si ka wanaagsan loola shaeeyo.
…DHAMMAAD…
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top