Gaalkacyo 11, December 2024: waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug lagu qabtay shirka Xoojinta iyo Dardargalinta Nabada Galbedka Gobolka mudug kaas oo ay soo agaasimeen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowladaha Galmudug iyo puntland.

Shirkaan oo muhiim u ah Nabada Gobolka ayaa waxaa ka qaybgalay Maamulka Gobolka mudug iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo ee labada maamul Puntland iyo Galmudug.
Sidookale, waxaa ka soo qaybgalay Guddiga Odayaasha Nabada Gobolka Mudug, Dhalinyarada iyo Haweenka Gobolka, waxaana shirka Diirada lagu saaray dardar galinta Nabada iyo Hirgalinta heshiisyadii Horay loo gaaray ee aagga Galbeedka Gobolka Mudug.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cumar Guure iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Puntland Mudane Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey in Nabadda Galbeedka Gobolka Mudug ay muhiim u tahay Guud ahaan Gobolka Mudug, loona baahanyahay in si wadajir ah looga qaybqaato.
—DHAMMAAD.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Kala xiriir wixii faahfaahin ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top