Wasiirka iyo waftigiisa oo ka kooban Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Mudug, ayaa kulan la qaatay qayb ka mid ah Isimada dhaqanka Gobolka Mudug, guddiga Odayaasha nabadgelyada ee Gobolka Mudug, Guddoomiyaha Degmada Bursaalax, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Galdogob, waxgaradka iyo qaybaha Odayaasha ee nabadda ka shaqeeya.
Kulankaan ayaa waxaa looga wadahadley xal u helidda dilkii xalay ka dhacay Degmada Bursaalax, masuuliyiinta iyo Odayaasha oo la kulmay Odayaasha Beeshii xalay dhibku gaaray ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi raggii dhintay, waxayna uga baaqeen in la isxakameeyo nabadda iyo wadahalkana la xoojiyo si loo afqabto dhacdooyinka la xiriira anooyinka qabiilka oo muddooyinkii dambe ku soo noq-noqonayey Gobolka Mudug.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL waxay xoojinaysaa nabadda iyo xasilloonida bulshada dhexdeeda ah, waxayna ugu baaqaysaa Dadka Reer Puntland ee ay saamaysay dhacdooyinkaan oo kale in laga hortago dhacdooyinka guracan ee aan u hiilinayn nabadda iyo wada noolaashaha bulshada walaaha ah ee isku diinta iyo diirka ah.