Kalfadhigan ayaa waxaa lagaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya horumarinta adeegyada bulshada, dib-u-habeynta qorshayaasha horumarineed ee Degmada, iyo xoojinta Dimuqraadiyadda heer Degmo.
Waxaa furitaanka kalfadhiga ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali, Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Mudug Cabdifitaax Samatar Ciise, guddoomiyaha Degmada, xubnaha Golaha deegaanka, iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.
Guddoomiyaha Gobolka oo khudbad ka jeediyey madasha daah-furka kalfadhigan ayaa ku bogaadiyey dadaalka Golaha Deegaanka Xarfo isku xirnaanta iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ay Degmada u hayaan, wuxuuna faray inay sii xoojiyaan wada shaqeynta bulshada iyo hirgelinta maamul daadejin iyo adeeg bixinta Dawladda Hoose.
Kalfadhigan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Dawladaha Hoose ku hormarinayaan daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo adeeg bixinta dowladeed ee degmooyinka Puntland.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎










