Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dangorayo.
Madasha doorashada waxaa ka qaybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal, Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Madax ka socotay Xisbiyada Siyaasadda, madax hore, Siyaasiyiin, ganacsato, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo July 08, 2025 muddaysay qabashada Doorashada in ay ku dhacdo July 14, 2025 ayaa sidoo loo qorsheeyey u qabsoontay doorashadaan waxaa isku soo taagay 2 musharax oo kala ah:-
Sidaa darteed, waxaa Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dangorayo ku guulaystay Xildhibaan Maxamuud Cabdicasiis Xasan.
Masuuliyiinta kala duwanaa ee madasha ka hadlay ayaa boodaaiyey guddigii doorashada qabtay, xubnaha Golaha Deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo.