Wasiir ku-xigeenku waxa uu ku bogaadiyay golaha deegaanka Qardho hawlaha ay u hayaan bulshada, isagoo xusay in golayaashu ay yihiin tiir muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagga.
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Qardho oo khudbad ka jeediyey ayaa soo bandhigay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta nabadgelyada, iyo kor u qaadidda daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha deegaanka.
Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka oo soo xiray munaasadda ayaa adkeeyey sida ay muhiim u tahay in la joogteeyo kalfadhiyada golayaasha deegaanka si looga wada-tashado qorsheyaasha horumarineed.
Sido kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa ku dhiirrigeliyay golaha in ay sii laba-jibaaraan shaqadooda, ayna bulshada la shaqeeyaan si loo gaaro horumar waara oo la taaban karo.