Jariiban: June 23, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda UNICEF iyo Maamulka Degmada Jariiban ayaa maanta si rasmi ah u furtay tababar loo qabtay 48 dhalinyaro ah.

Ujeeddada Tababarka:
Tababarka ayaa ah mid lagu diyaarinayo dhalinyarada ka qeyb qaadan doona ololaha diwaangelinta dhalashada carruurta ka yar 5 sano.
Waxaa la doonayaa in ololahan uu ka hirgalo guud ahaan Degmada Jariiban iyo deegaamada hoos yimaada.
Muddada Tababarka:
Tababarku wuxuu socon doonaa muddo 11 maalmood ah.
Ahmiyadda Barnaamijkan:
Ujeedka ugu weyn ee tababarku waa in la xaqiijiyo in ilmo kasta helo warqad dhalasho, taas oo caddeyn u noqon doonta:
Waqtiga uu dhashay.
Taariikhda dhalashadiisa.
Arrintan ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doonta xaqiijinta xuquuqda carruurta iyo helitaanka adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada, caafimaadka, iyo ilaalinta sharciga.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top