Author name: Eng Mohamett Mohamoutt

468616583 991645299673512 5892545401290641514 n 1
Arrimaha Gudaha DPL.

Rwanda: Kigali: November 28, 2024: Waftiga uu hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane ayaa booqosho ku tagay xarunta Ururka Dowladdaha Hoose ee Rwanda – Ragla.

Kulankaan ayaa waxaa la isku dhaafsaday macluumaadka iyo habka shaqo ee Ururka Ragla, hanaanka uu u dhisanyahay Ururku iyo qaabka Adeeg bixinta Degmooyinka iyaguna ay la baxaan miisaaniyaada Uruka. Ururka ayaa Degmooyinka siiyaa adeegyo ay ka mid yihiin tababradda, shaqaalaysiinta iyo kor u qaadista Tayadhiska Dowladaha Hoose ee Degmooyinka. Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeri ayaa masuuliyiinta Ururka Dowladdaha Hoose ee Rwanda ka codsaday in ay Xiriir wanaagsan la sameeyaan Ururka Dowladdaha Hoose ee Puntland ALGABL. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468730534 991283629709679 2253656202105498909 n
Arrimaha Gudaha DPL.

Gaalkacyo: November 27, 2024: Maanta oo ay taariikhdu tahay November 27, 2024, Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku qabatay shirka dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah Cabdalle Surre (Dir) iyo Looboge (Shiikhaal).

Shirka waxaa ka soo qayb galay Odeyaasha dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Dhallinyarada, Haweenka iyo waxgaradka beelaha labada dhinac iyo sidoo kale, Guddiga dhex-dhexaadinta Odayaasha dhaqanka Gobolka Mudug. Dhanka Dowladda waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru dawlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Gobalka Mudug, Iskuduwaha Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Nabadda iyo Dib uhishiisiinta iyo Agaasimaha Waaxda Arrimaha Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Shirkaan oo daba socday shirweynihii Dardargelinta Nabadaynta Gobolka Mudug ee ay labada Madaxweyne ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Galmudug ka daahfureen magaalada Gaalkacyo 14 September 2024, Shirkaas oo qodobkiisa 1-aad ahaa sidaan hoose:_ 1. Shirku wuxuu soo jeediyey in si bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalka beelaha Dir iyo Shiikhaal islamarkaana dhakhso loo furo wada-hadaladii nabadaynta ee labada beelood. Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland oo ka duulaysa qodobka 1-aad ee shirkii hore ee Heer labada Dowladood ayaa intii uu socdey waxaa lagu lafa-guray muhiimadda nabadda, wadda-noolaanshaha, Isdhexgalka bulshada, wax wada-lahaanshaha iyo faa’iidooyinka ku jirta guud ahaan Bulshada labada dhinac ee dirirtu dhexmaray. Shirkaan ayaa waxaa laga gaaray heshiis horu-dhac ah oo u dhaxeeya labada Beelood, waxaana la tagayaa goobihii shaqaaqadu ka dhacday si colaadda loo soo afxiro, nabaddana loo adkeeyo iyada la xakamayn doono waxkasta oo nabadda wax u dhimaya. …DHAMMAAD… XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468458307 991226583048717 4532516541065610049 n
Arrimaha Gudaha DPL.

Qaybta 3-aad: (Group Discussion)

Badhan: November 26, 2024: Hawl-wadannada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo La taliyeyaasha Farsamo ee Hay’adda CES ayaa maalintii sadaxaaad Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ka wadda Tababarka Golaha Deegaanka. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468355474 990533096451399 6378939616280347852 n
Arrimaha Gudaha DPL.

Rwanda, Kigali: November 26, 2024: Waftiga Dowladda Puntland ee ku sugan Dalka Rwandaa ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay Wasaaradaha kala ah Maaraynta iyo isku xirka gargaarka masiibooyinka iyo Wasaaradda Dowladaha Hoose ee dalka Ruwanda.

Waftigaan ayaa ka kooban Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri, Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorsheynta, Agaasimaha Hay’adda Xogta Biyaha Puntland, Guddoomiyaasha Degmooyinka Bosaaso, Carmo, Waaciye iyo Qardho iyo Ururka Dowladaha Hoose ee ALGABL. Kulankaan oo la isku dhaafsaday aqoonta iyo khibrada dhismaha hay’addaga Dowladnimada ee Dalka Ruwanda ayaa waxaa Wasaaradaha kala duwan ee Dalka Ruwanda soo bandhigeen sida ugu haboon dawalad dhiska dalka iyo saraynta sharciga oo ay ku gareen hormarka maanta ay ku naloonayaan mudada kooban. Sido kale, waxaa laga bartay kulankaan sida ugu haboon ee bulshada adeegga Dowladda lagu gaarsiin karo, Service delivery model oo uu tiir dhaxaad u yahay fulinta sharciga iyo ku dhaqanka siyaasaddaha uga degan Dowladda. Masuuliyiinta tababarka ka qaybgalay ayaa si kale lala wadaagay in adeega shacabka lagu gaarsiiyo hab casri ah oo danabaysan ama digital system. Taasi waxay ku tusinaysaa in si fudud muwaadinkasta loogu adeegi karo isagoo gurigiisa jooga laguna yarayn karo musuqmaasuqa. Wax yaalaha cajiibka ah ee laga bartay kulankaan ayaa ah in guud ahaan Dhulka ay maamusho Dowladda, aysan jirin cid gaar dhul u leh oo aan ahayn Dowladda, taas oo yaraynaysa in dhulka loo isticmaalo si khaldan. Ugu dambeyntii waxaa la isla qaatay inaan iska caawino Dowlad-dhiska iyo horumarinta Hay’addaha Dowladda Puntland iyo in ay Puntland yimaadaan si aan iskula wadaagno tababaha horumarinta Arrimaha Bulshada. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland wuxuu u mahadcelinayaa Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Rwanda ee fududeeyey shirkaan iyo Hay’adda VNG. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468179440 990570226447686 4134084708984135693 n 1
Arrimaha Gudaha DPL.

Baran Maalintii 2aad: November 26, 2024;Xarunta CES oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dimuqraadiyernta Puntland ayaa Maalintii labaad ka wadaTababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo xarunta Gobolka Sanaag ee Degmada Baran.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 1-aad lagu bilaabayaa Degmooyinka kala ah Baran, Xiingalool, Dhahar, Buraan, Carmo yo Waaciye. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468298822 990573616447347 8875205348258579964 n
Arrimaha Gudaha DPL.

DHAHAR Maalintii 2aad: November 26, 2024;Xarunta CES oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dimuqraadiyernta Puntland ayaa Maalintii labaad ka wadaTababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo xarunta Gobolka Sanaag ee Degmada Baran.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 1-aad lagu bilaabayaa Degmooyinka kala ah Baran, Xiingalool, Dhahar, Buraan, Carmo yo Waaciye. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468188951 990581546446554 7521196784807097434 n
Arrimaha Gudaha DPL.

Buuran Maalintii 2aad: November 26, 2024;Xarunta CES oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dimuqraadiyernta Puntland ayaa Maalintii labaad ka wadaTababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo xarunta Gobolka Sanaag ee Degmada Buuran.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 1-aad lagu bilaabayaa Degmooyinka kala ah Baran, Xiingalool, Dhahar, Buraan, Carmo yo Waaciye. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

FB IMG 1732556529434
Arrimaha Gudaha DPL.

Badhan: November 25, 2024; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa) ayaa magaalada Baran ee xarunta Gobolka Sanaag ka daahfuray Tababarka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 1-aad lagu bilaabayaa Degmooyinka kala ah Baran, Xiingalool, Dhahar, Buraan, Carmo yo Waaciye.   Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo.   Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.   —DHAMMAAD—   XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDA HA DPL.

FB IMG 1732555928000
Arrimaha Gudaha DPL.

Kigali, Ruwanda: November 25, 2024 Agaasimha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri iyo ku simaha Madaxa hay’adda Rwandaa Cooperation Mss. Aude Ntawebasa ayaa si wadajir ah u Guddoomiyey shir u dhaxeeyey waftiga Dowladda Puntland ee Ruwanda tagay iyo Hay’adda Hay’adda u qaabilsan Dowladda Ruwanda isku xirka caalamka iyo Ruwanda.

Shirkaan ayaa ku saabsanaa isbarasho guud kadib, shaqooyinka ay qabato hay’adda Rwanda cooperation , sida lagu hormarin karo bulshada Eeer Puntland dhinacyada Adeeg-bixinya, cagaarinta magaalooyinka, hagaajinta Nadaafada magaalooyinka iyo maaraynta masiibooyinka Waftiga Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku gaaray Dalka Rwandaa ayaa ka kooban Agaasimayaal Guud, iyo Guddoomiyaasha 5 Degmo oo Puntland ah. Waftigaan ayaa inta ay ku suganyihiin Dalka Rwandaa waxa ay baran doonaan tababaro iyo casharo ku saabsan horumarinta Bulshada dhinacyada kala duwan. Shirkaan oo hor dhac u ahaa shirar iyo tababaro maalmaha socon doonaa ayaa ku soo dhamaaday guul iyo in la isla qaatay sidii la isku dhaafsan lahaa aqoonta iyo waayo aragnimada si gaara Dowladda Rwanda oo sida ay dhaqsaha ah ay u soo kabatay. Shirkaan waxaa fududaysay hay’adda VNG. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468310636 988429159995126 4691684483307832967 n
Arrimaha Gudaha DPL.

Garowe: November 23, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa daahfuray barnaamijka Tababarka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 1-aad lagu bilaabayaa Degmooyinka kala ah Baran, Xiingalool, Dhahar, Buraan, Carmo yo Waaciye. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top