Gaalkacyo: November 27, 2024: Maanta oo ay taariikhdu tahay November 27, 2024, Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku qabatay shirka dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah Cabdalle Surre (Dir) iyo Looboge (Shiikhaal).

Shirka waxaa ka soo qayb galay Odeyaasha dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Dhallinyarada, Haweenka iyo waxgaradka beelaha labada dhinac iyo sidoo kale, Guddiga dhex-dhexaadinta Odayaasha dhaqanka Gobolka Mudug.
Dhanka Dowladda waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru dawlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Gobalka Mudug, Iskuduwaha Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Nabadda iyo Dib uhishiisiinta iyo Agaasimaha Waaxda Arrimaha Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Shirkaan oo daba socday shirweynihii Dardargelinta Nabadaynta Gobolka Mudug ee ay labada Madaxweyne ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Galmudug ka daahfureen magaalada Gaalkacyo 14 September 2024,
Shirkaas oo qodobkiisa 1-aad ahaa sidaan hoose:_
1. Shirku wuxuu soo jeediyey in si bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalka beelaha Dir iyo Shiikhaal islamarkaana dhakhso loo furo wada-hadaladii nabadaynta ee labada beelood.
Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland oo ka duulaysa qodobka 1-aad ee shirkii hore ee Heer labada Dowladood ayaa intii uu socdey waxaa lagu lafa-guray muhiimadda nabadda, wadda-noolaanshaha, Isdhexgalka bulshada, wax wada-lahaanshaha iyo faa’iidooyinka ku jirta guud ahaan Bulshada labada dhinac ee dirirtu dhexmaray.
Shirkaan ayaa waxaa laga gaaray heshiis horu-dhac ah oo u dhaxeeya labada Beelood, waxaana la tagayaa goobihii shaqaaqadu ka dhacday si colaadda loo soo afxiro, nabaddana loo adkeeyo iyada la xakamayn doono waxkasta oo nabadda wax u dhimaya.
…DHAMMAAD…
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top